8:54 am - Monday May 29, 2017

Riyad Mahrez Oo Ku Guuleystay Abaal Marinta Xiddiga Afrika Ee BBC

Cabdirisaaq Maxamuud Caalin

Ciyaaryahan Riyad Mahrez ayaa ku guuleystay abaal marinta sanadka ee xiddiga Afrika 2016 oo idaacada BBC-du bixiso sanad kasta, ‘ BBC African Footballer of the Year 2016.


Taageerayaal dunida dacaladeeda ku kala sugan, cod bixintii laga urruriyey, ayuu laacibka xulka qaranka Algeria iyo kooxda Leicester City, kaga qaaday, ciyaaryahanadii la tartamayay oo kala ahaa, Pierre-Emerick Aubameyang, Andre Ayew, Sadio Mane iyo Yaya Toure.

25 sano jirka, baasha ka ciyaara ee Mahrez, markii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay, isagoo la hadlaya BBC Sport, wuxuu yidhi: “Macno weyn ayay ii samaynaysaa, waa wax ku weyn oo uu ku hamiyo ciyaaryahan kasta oo Afrikaan ahi, sidaas darteed, aad baan ugu faraxsanahay, sharaf weyna way ii tahay.

“Had iyo jeer, waa wax fiican inaad bilado ku guuleysato, Ciyaaryahan Afrikaan ahaana, waa abaal marina ad ugu qiimo weyn tani. Dhamaan taageerayaasha, waan u mahad celinayaa.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas ku daray: “Waxaan sidoo kale u mahad naqayaa taageerayaasha reer Algeria, oo aan iyaga iyo qoyskayga u hibaynayo abaal marintan.

“Waa inaan halkaas ka sii wadaa oo aan dedaalka sii laban laabaa, si aan wax badan oo kale u qabto.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Deg-Deg: Ronaldo Oo Loo Caleemo Saaray Xidiga Dunida 2016-ka

Cristiano Ronaldo oo Markii 4 aad Ballon d-or Ku Guuleystay

Ronaldo Oo Ku Guuleystay Ballon d’Or 2016

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com