1:26 pm - Wednesday June 28, 2017

Xog qarsoodi ah Oo ku duugan halka Uu Tababare Van Gal la damacsan Yahay Rooney

Khadar Dirir

 

Louis van Gaal ayaa la soo sheegayaa inuu Wayne Rooney u adeegsan doono booska khadka dhexe inta lagu guda jiro ciyaaraha la isugu diyaarin doono xilli ciyaareedka soo socda horyaalka Premeir League.

Waxaana la rumeysan yahay in macallinkan reer Dutch ee imaan doona United waxii ka dambeeya xumada Koobka Adduunka uu qorsheenayo inuu Van Persie kaliyah ka ciyaarsiiyo booska weerarka dhexe, halka sidoo kale xiddiga heerka caalami ee xulka qaranka dalka Spain Juan Mata uu isna doonayo inuu ka ciyaarsiiyo booska (No.10), sida laga soo xigtay The Mirror.

Warka ayaa inta ku daraya inta lagu guda jiro tartamada ay United ku soo ciyaari doonto dalka Mareykanka bisha soo socota, in Van Gaal uu sameeyn doono isku day ah inuu Rooney kusoo bilaawo booska khadka dhexe.

Isku soo wada duuboo isku dayga uu macallinka la damacsan yahay inuu u adeegsado booska khadka dhexe ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu hore u sameeyay macallinkii hore ee kooxdaas Sir Alex Ferguson.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Luis Suarez Oo 2 Sanno Ciyaaraha Laga Mamnuucayo Qaniinyadii Chiellini Darteed

Kabtan Steven Gerrard Oo dib u dhigay Go’aanka Mustaqbalkiisa Xulka England  

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: