Xoggo Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Sababtii Loo Xidhay Masuuliyiinta Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland + Sawirro

XoghayahaKa dib markii wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ay shaacisay xadhiga saddex xubnood oo laba ka mid ahi ay ka tirsan yihiin xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland, shabakadda Cadalool ayaa heshay xoggo dheeraad ah oo ku saabsan sababta dhabta ah ee ka dambaysay xadhiga masuuliyiintan.

Saddexda qof ee la xidhay ayaa kala ah Xoghayaha xidhiidhka ciyaaraha fudud Somaliland Md. Mustafe Cabdi Xaddi iyo Axmed Koosaar Xuseen (Juujuule) oo ah tababare dhanka orodka u qaabilsan xidhiidhka iyo sidoo kale Maxamed Faarax Cajab oo isna ah macalin ciyaaraha fudud ah oo ka socday wadanka Soomaaliya.

Sida wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Axmed Cadi Kaahin u sheegay idaacadda BBC-da masuuliyiintan ka tirsan xidhiidhka ciyaaraha fudud oo uu weheliyo macalinka ka yimid magaaladda Muqdisho, ayaa maalmihii ugu dambeeyay tababar ku siinayay magaaladda Hargeysa ciyaartoyo orod yahano ah kuwaas oo qorshuhu ahaa inay ka qeyb-galaan tartan heer gobol ah oo ka qabsoomaya magaaladda Muqdisho.

TabababarahaXoggaha aanu helnay ayaa intaas ku sii daraya in ciyaartoydan oo kuwaad 5 ah ay meteli rabeen gobollada Maroodi-jeex, Gabiley, Awdal iyo Togdheer, waxaana taas ka warhelay subaxnimadii Sabtidii masuuliyiinta sarre ee wasaaradda ciyaaraha, waxaana loogu yeedhay xarunta wasaaradda gaar ahaan xafiiska wasiirka, halkaasna waxaa arrinta wax ka weydiiyay Wasiirka, Agaasimaha guud, Agaasimaha waaxda iyo weliba masuuliyiinta kale ee xidhiidhka ciyaaraha fudud, waxaana ku wareejiyeen xarunta dambi-baadhista ee CID.

Talaabadan ayaa haddii ay hir-geli lahayd ceeb qaran ku noqon lahayd wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland, waxaana dhacdadan si weyn looga hadal hayay xalay ilaa saaka goobaha ay kulmaan dhallinyarada bahda ciyaaraha ee Hargeysa.

Wixii kale ee war ah ee ku soo kordha arrintan waanu idiin soo gudbin doona.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Chelsea Oo Dirqi Ku Dhaaftay Hull City 6 Dhibcoodna Hogaanka Ku Qabatay

Daqiiqadihii Waalida Gerrard – Man United Oo 10-nin oo Liverpool ah Karbaashtay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com