9:35 pm - Saturday July 22, 2017

Xogo Cusub Oo Laga Helay Diyaaraddii La Dhacday Kooxda Brazil

Abdiwahab Ahmed

shilkii-brazil

Xukuumadda Kolombia ayaa sheegtay in ay sii kordhayaan caddaymaha ku saabsan in diyaaraddii wadday ciyaaryahannada kubadda cagta ee reer Brazil ay burburtay iyada oo isku dayaysa in ay dagto ka dib markii ay shidaal la’aan noqotay.

Madaxa hay’adda duullimaadyada dadwaynaha Alfredo Bocanegra ayaa sheegay in baadhitaannada hore ay tilmaamayaan in diyaaradda aanu shidaal ku jirin markii uu shilku dhacay.

Waxay u muuqataa in ay cadayn u tahay arrintaas cod la shaaciyay oo laga dhexmaqlayo duuliyaha oo dalbanaya in loo ogolaado in uu si dagdag ah u dago ayna haysato shidaal la’aan iyo cillad kale.

Lix ruux oo ka mid ah 77 ruux ee saarnaa ayaa badbaaday.

Freddy Bonilla oo ka tirsan masuuliyiinta hay’adda duulimaadyada dadwaynaha oo isna ka hadlay isla shirkaas jaraaid ayaa sheegay in sharcigu uu cayimay in diyaaraduhu ay wataan shidaal dheeri ah oo ay sii isticmaali karaan soddon daqiiqo si ay garoon kale ugu dagi karaan haddii xaalad dagdag ah ay timaado.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mourinho Oo Keenay Farsamo Cusub Oo Lagu Daawado Ciyaaraha Marka Casaan La Qaato

Magacyada 55 Ciyaaryahan Oo Ku Tartamaya Kooxda Ugu Fiican Dunida

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: