8:55 am - Monday May 29, 2017

Daawo : Xukuumadda Somaliland Oo Xaqiijisay Khasaaraha Rabshadihii Hargeysa Stadium

Abdiwahab Ahmed
hargeisa-group-hospital

Hargeysa (Cadalool)-Qalalaase iyo rabshado hadheeyey garoonka Hargeysa Stadium, halkaas oo ay ka socotay ciyaar gunaanad u ahayd heerka Groups ka ee tartanka kubadda cagta Goboladda Jamhuuriyada Somaliland, ayaa sababay dhaawaca tiro dad ah oo ku dhaw 30 qof.

Kulanka rabshaduhu hadheeyeen ayaa dhex marayay xulalka gobolada, Hawd iyo Daad-madheedh, kaas oo natiijadiisu go’aaminaysay xulka Afraad ee kamid noqon lahaa xulalka ku hirdami doona Semi finalka tartanka goboladda dalka oo maalmihii ina dhaafayba ka socday geggida Hargeysa Stadium.

Dadka dhaawacmay oo loo soo daad-gureeyey dhinaca cusbitaalka guud ee magaalada, ayuu tiradooda wasiirka Caafimaadku oo u waramay Muuq baahiya Bulsho Tv ku sheegay, inay gaadhayaan 28 qof, kuwaas oo isugu jira, taageerayaal iyo ciidankii ammaanka garoonka sugayay oo qaarkood dhaawacoodu dhagax tuur ku soo gaadhay.

Xulka Daad-madheedh, ayaa ciyaarta ku badiyey 2-1 , sidaasna ku noqday xulkii u dambeeyey ee ka gudba heerka Hormadda ama Groups Ka ee tartanka kubadda Cagta Goboladda, kuna biiray saddexdii xul ee hore u baxay, oo kala ahaa, Saaxil, Awdal iyo Gabiley.

Ciidamada sugayay ammaanka garoonka ayaa qiiqa dadka ka ilmaysiiya iyo rasaasta nool u adeegsaday, koox taageerayaashii ciyaarta daawanayay kamid ah oo dhagax tuur bilaabay markii ay ciyaartu dhamaatay, arintaas oo sabbabtay dhaawaca ciidanka iyo shacabkaba leh.

Halkan ka daawo Wasiirka Oo ka hadlaya arrintan:

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
hawd-xul-hadhay-2

Hawd Oo Ka Hadhay Tartanka Goboladda Iyo Rabshadii Taageerayaasha

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Shaqaaqadii Hargeysa Stadium Iyo Hanjabaad Uu Diray

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com