Xulka Argentina Oo Lagu Ciqaabi Doono Qoraal Siyaasad Ah Oo Ay Garoonka La Soo Galleen

Xidhiidhka kubada cagta ee FIFa ayaa baadhaya , fal ay ku kaceen xidigaha xulka qaranka Argentina , kaas oo ahaa boodh qoraal siyaasadaysani ku qornaa oo ay ku soo bandhigeen garoonka dhexdiisa , ciyaartii saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayeen xulka Slovenia.

Ciyaaryahanada Argentina ayaa kala bixiyey boodh ay ku soo xardheen kalmadaha “‘Las Malvinas Son Argentinas’ (Jasiiradaha Falklands waxaa iska leh Argentine), sawirana lagaga qaaday badhtamaha garoonka kulankaas Sabtidii ay la ciyaareen Slovenia.

Qoraalkaas ayaa sababay in xidhiidhka kubada cagta caalamku si dhakhso ah  amar uu u soo saaro , kaas oo ay ku amrayeen ciyaaryahanada xulka Ingiriisku inaanay muranka Jasiiradahaas ee u dhexeeya labada dowladood , iyaguna dhankooda saxaafada kaga jawaabin.

Isniintii doraad ayay FIFA sheegtay in falkaas xulka Argentina ku kaceen , ay baadhisteeda gacanta ku hayaan gudiga anshaxa ee xidhiidhku , isla markaana degdeg talaabo looga qaadi doono, qibaabna ay ku mudan doonaan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Maradona Oo Sheegay In Xulka Germalku Noqon Doono Wadankii 1 aad ee Yurub Ah Ee Qaarada Amerika Koobka Ku Qaada Sanadkan

Messi oo shaaca ka qaaday ciyaartoyga uu jecelyahay inuu la kulmo finnal koobka aduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com