Xulka England Oo La Ciyaaraya France, Spain Germany iyo Holland

England ayaa qorshaynaysa in ay ciyaaro saaxiibtinimo la yeeshaan France, Spain, Germany iyo Holland.

England oo rajo fiican ka qabta inay u soo baxdo Euro 2016, ayaa marka uu dhamaado isreeb-reebku waxa ay doonayaan in ay bisha November ee sannadkan ciyaarto laba kulann oo saaxiibtinimo.

Xidhiidhka kubadda ee England ayaa garoonka Wembley kula ciyaari doonta France garoonka Wembley 17 November, waxana ku xigi doona Spain oo bisha xigta ay is arki doonaan.

Afhayeen u hadlay xidhiidhka FA ee England ayaa xaqiijiyey in bisha March ee sannadka dambe ay England la ciyaari doonto Germany, halka ay wada hadallo u socdaan Holland kaas oo ay isla qorshayn doonaan wakhtiga ay wada ciyaari doonaan ciyaarta saaxiibtinimo taas oo la filayo in ay dhici doonto inyar ka hor wakhtiga uu bilaabmi doono Euro 2016.

“Waxa aanu ciyaari doonaa afar ama shan ciyaarood ka hor tartanka France (Euro 2016), ciyaar walba waxa aanu la ciyaari doonaa mid ka mid ah waddamada ugu adag: sidaas waxa yidhi Roy Hodgson oo warbaahinta la hadlay.

“Waxa aanu la ciyaari doonaa Germany, France, Spain iyo Holland sida aan filayo” ayuu mar kale yidhi.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Holland: Murashaxiinta Beddelaya Hiddink iyo Haldoorkoodii Oo Soo Ruqaansaday

Gareth Bale Oo Wacdaro Ka Dhigay Ciyaar Basketball Ah – Video

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com