7:26 pm - Friday August 18, 2017

Xulka Garmalka Ee Koobka Aduunka Oo Lagu Dhawaaqay

Aidarous
Masut Ozil

Tababaraha xulka qaranka Germany, Joachim Low ayaa soo saaray xulka 23 ka ciyaaryahan ee wadankaasi u matali doono ciyaaraha koobka aduunka ee sanadkan lagu qabanayo wadanka Brazil.

Xidigaha saddexda ah ee kooxda Arsenal – Lukas Podolski, Mesut Ozil, Per Mertesacker oo uu weheliyo weeraryahanka dhawaan indhuhu qabteen ee kooxda Chelsea u ciyaara Andre Schurrle oo dhamaantood horyaalka Priemier League ah ayaa ku jira liiska uu xushay tababare Low.

Lukas Podolski

Lukas Podolski

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara naadiga Real Madrid ee Sami Khedira ayaa isna liiskan uu u doortay Joachim Low, udub dhexaad u ah, in kastoo aanu u safanin naadiga Spanish-ka ah ee uu ka tirsan yahay kala badh xili ciyaareedkan dhamaadka ah , dhaawac haleelay bishii November ee sanadkii hore dartii.

 Liiska Xulka Germany Ee Tababare Low U Diyaariyey K Aduunka oo Dhamaystiran


Liiska Xulka Germany Ee Tababare Low U Diyaariyey K Aduunka oo Dhamaystiran

Waxa xusid mudan oo lagu amaanay tababaraha qaranka Germalka, mudane Low, inuu fursada u ogolaaday ciyaaryahanada da’da yar ee wadankaasi , waxaanu xulkiisa ku soo daray laaciin dhalinyaro ah oo uu kamid yahay , difaac yahankii hore naadiga Everton u ciyaari jiray ee Shkodran Mustafi, kaas oo uu kooxdaasi ka caydhiyey tababarihii isna laga eryay Man United ee David Moyes.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Pedro " Barcelona Fursad Kale ayaa u soo gashay

Pedro: ‘Saamaxaad Maleh’ Barcelona Hadii Ay Lumiso Fursadan

http://www.cadalool.com/?attachment_id=2028

Cunto Kariye Dunida Ka Yaabiyey Oo Xab-xab Si Farshaxan Ah Uga Sawiray Muuqaalka Ronaldo & Neymar

Related posts
Trackbacks/Pingbacks
  1. Xulka Germany Oo Kala Jabiyey Koobkii Aduunka | Cadalool - 21/07/2014

    […] xidhiidhka kubada cagta Garmalka ee magacooda loo soo gaabiyo (DFB) ayaa daboolka ka qaaday in mid kamid ah ciyaaryahanada xulka u […]

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: