Xulka Germany Oo Barroor Diiq U Samaynaya 150 kii Qof Ee Diyaaradu La Dhacday

Xidigaha xulka qaranka Germany ayaa callal ama marro madow dhudhunka gacanta ku soo wada xidhan doona ciyaarta saaxiibtinimo ee ay Arbacada la ciyaarayaan qaranka Australia si ay ugu baroor diiqaan dadkii ku naf waayay diyaaradii ku dul dhacday buuralayda wadanka Faransiiska ee ALPS maalinta Salaasada.German
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Air Bus aanay iska lahayd shirkada Germanwings laakiin u adeegaysay shirkada kale ee Luftansa ayaa ku dul burburtay buuralayda France ee Alps iyadoo sida rakaab tiradoodu 150 qof ahaayeen, markaas oo ay ka soo duushay Barcelona una sii jeeday Duesseldorf, waxaa la sheegay in ay dirtay qaylo dhaan ka hor intii aanay dhicin..
Iyadoo uu madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, sheegay in ay yar tahay rajada lagu heli karo dad badbaaday, waxaa jiri doonaa daqiiqad aamus ah oo loo samayn doonaa ka hor inta aanay bilaabmin ciyaarta Germany iyo Australia ku dhex mari doonta geggida Kaiserslautern.
“Waa natiijo liqideedu qof kasta ku adag tahay, waana arin wali dahaadh saaran yahay xogteeda,” ayuu yidhi gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Germany, Wolfgang Niersbach. “Qoyska kubada cagta ahaan, waxaanu u baroor diiqi doonaa dadkii naftooda ku waayay iyo qoysaskoodii si aanu qadarin iyo xushmad u tusno.”

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Petr Cech Oo Ka Tagaya Chelsea

Musuq-maasuq: Lacagtii ay Barcelona ku iibsatay Neymar Oo Noqotay €158 Milyan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com