Xulka Haysta Ciyaartoyda Ugu Qaalisan, In Xulalka Qaar Ay Hal Ciyaartoy Ka Qiimo Hooseeyaan Iyo Xarunta Caalamiga Ah Ee CIES Football Observatory Oo Qiimaysay 32ka Xul Ee Koobka Aduunka.

Khamiista waxaa magaalada caasimada dalka Ruuska ee Moscow si rasmi ah uga furmi doona koobka aduunka iyada oo xaflada daah furka oo haddaba si wayn looga shaqaynayaa ay noqon doonto iba furka koobka aduunka ee Russia 2018. Dareenka aduunka ayaa si buuxa ugu soo jeedsan doona Russia iyada oo muddo bil ah uu socon doono koobka aduuka ee ay 32 ka xul qaran ku tartamayaan.

Haddaba waa xulkee kan haysta ciyaartoyda ugu qaalisan? Waase xulkee kan ay ciyaartoydiisu ka qiimo hooseeyaan hal ciyaartoy oo xulalka qaar ka tirsan?. Xarunta caalamiga ah ee cilmi baadhista kubbada cagta ee  CIES Football Observatory oo looga bartay in ay qiimayn cilmiyaysan oo waliba joogto ah ka samayso kubbada cagta ayaa su’aalahan iyo kuwo la mid ah kaga jawaabtay daraasad ay soo saartay.

CIES Football Observatory si wayn looga bartay cil baadhista ay ka samayso dhinaca suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waliba bandhigooda ayaa shaacisay in xulka qaranka France uu yahay kan haysta kooxda ugu qaalisan waxaana 23 ka ciyaartoy ee France lagu qiimeeyay 1.410 bilyan euros.

Xulka qaranka England ayaa noqday kan labaad ee koobka aduunka ka qayb galaya ee haysta ciyaartoyda ugu qaalisan waxayna ka hooseeyaan oo kaliya France. 23 ka xidig ee Three Lions uga qayb galaya koobka aduunka ayaa lagu qiimeeyay 1.386 bilyan euros. Laakiin haddana England kuma jirto qaramada koobka aduunka loo saadaalinayo.

Xulka qaranka Brazil oo ka mid ah xulalka sida wayn loogu saadaalinayo koobka aduunka ayaa kaalinta saddexaad kaga jira qiimaynta xarunta CIES waxaana 23 ka xidig ee Brazil koobka aduunka uga qayb galaya lagu sheegay 1.269 bilyan euros.

Xulka qaranka Spain oo isna ka mid ah kuwa koobka aduunka loo saadaalinayo ayaa kaalinta afraad ee xidigaha ugu qaalisan koobka aduunka waxaana ciyaartoyda Spain lagu qiimeeyay 965 milyan halka xulka qaranka Argentina uu kaalinta shanaad ugu jiro 925 milyan euros.

Xulka qaranka Panama ayaa noqday xulka qaranka ay ciyaartoydiisu ugu qiimaha hooseeyaan waxaana lagu sheegay in gabi ahaanba qiimaha 23 ka ciyaartoy ee Panama uu yahay 15 milyan euros oo kaliya, haddaba waa 15 milyan euros oo kaliya! waa qiimo ka hooseeya inta hadda suuqa ay ka joogaan ciyaartoyda da’yarta ahi.

Waxa kale oo qiimaynta CIES Football Observatory ee koobka aduunka la soo raaciyay xul kasta ciyaartoyga ugu qiimaha badan iyo boqolkiiba inta uu ka yahay qiimaha guud ee xulka qarankiisa.

Haddaba Akhrista Halkan Si buuxda Ugaga Bogo qiimaynta xulalka koobka aduunka ee xarunta caalamiga ah ee CIES Football Observatory iyada oo xul kasta uu ku hor qoran yahay qiimaha guud halka ciyaartoyga ugu qiimaha badani uu isna ku sii hoos qoran yahay.

Sida aad arki karto Mohamed Salah ayaa noqday xidiga ugu qiimaha badan ee hal xul qaran oo koobka aduunka ka qayb galayaa ugu jiro wadankiisa iyada oo qiimaha Mohamed Salah oo 171 ahi uu boqolkiiba 74% ka yahay qiimaha 22 ka ciyaartoy ee kale ee xulka qarankiisa.

Xidiga labaad ee sida Mohamed Salah qiimaha ugu badan ka ah xulka qarankiisu waa xidiga kooxda Tottenham iyo xulka qaranka Japan ee Heung-Min Son kaas oo boqolkiiba 73% ka ah qiimaha guud ee xulka qarankiisa.


 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.