Xulka Qaranka Brazil Ee K.Aduunka Oo La Magacaabay – Kaka, Robinho Iyo Coutinho oo Laga Ka Maqan

Tababaraha xulka qaranka wadanka Brazil, Luis Felipe Scolari ayaa ku dhawaaqay 23 ka ciyaaryahan ee wadankaasi u matali doona koobka aduunka.

Scolari oo xulka uu u kaxaysan doono tartanka ugu caansan dunida ka hor bayaamiyey in ka badan 900 oo wariye , ayaa liiskiisa aanay ku jirin , rag badan oo la filayay inuu ku soo dari doono, kuwaas oo ay kamid yihiin :- Labada ciyaaryahan ee kooxda Liverpool , Lucas Leiva iyo Philippe Countinho, sidoo kale waxaa iyana ka maqan, laacibada kooxda Talyaaniga ah ee Milan , Kaka iyo Robinho.

Sidoo kalena waxaa la filayay inay ku jiri doonaan xidigaha Miranda, Lucas Moura iyo Felipe Luis kuwaas oo uu Scolari dhamaantood ka tagay.

Liiska 23 ka ciyaaryahan ee uu Tababaruhu soo xushay oo dhamaystiran hoos ka dheeho:

Goalkeepers: Julio Cesar (Toronto FC, on loan from QPR), Jefferson (Botafogo), Victor (Atletico Mineiro)

Defenders: Dani Alves (Barcelona), Maicon (Roma), David Luiz (Chelsea), Thiago Silva (PSG), Dante (Bayern Munich), Marcelo (Real Madrid), Henrique (Napoli), Maxwell (PSG).

Midfield: Oscar (Chelsea), Fernandinho (Man City), Willian (Chelsea), Paulinho (Spurs), Ramires (Chelsea), Luis Gustavo (Wolfsburg), Hernanes (Inter Milan).

Attackers: Bernard (Shakhtar Donetsk), Neymar (Barcelona), Fred (Fluminense), Hulk (Zenit St Petersburg), Jo (Atletico Mineiro).

Comments are closed.