Xulka Qaranka Brazil Oo Lagu Dhawaaqay, Magacyada Ciyaaryahannada Iyo Neymar Oo Lagu Daray

Tababaraha xulka qaranka Brazil, ayaa ku dhowaaqay liiska xulka qaranka waddankiisa ee ka qaybgeli doona Koobka Adduunka, kaas oo ka kooban 23 ciyaaryahan.

Tababate Tite ayaa xulka dalkiisa waxa uu ku daray xiddiga dhaawaca ah ee Neymar, waxaase afar ciyaartoy uu kasoo qaatay kooxda Manchester City oo uu kasoo xushay Ederson, Danilo, Fernandinho iyo Gabriel Jesus.

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Roberto Firmino iyo laacibka khadka dhexe ee Chelsea ee Willian ayaa liiska kaalmaha hore kaga jira, hase yeeshee waxa ka maqan difaacyahanka khabiirka ah ee Danni Alves oo toddobaad ka hor dhaawac ka gaadhay jilibka lugta midig.

Tababare Tite oo isku diyaarinaya kulamada ugu horreeya Koobka Adduunka oo ay isku group yihiiin Costa Rica, Serbia iyo Switzerland ayaa waxay rajaynayaan inay kaalinta koowaad kaga soo baxaan hormada E, iyadoo ciyaarta ugu horreysaana tahay 17 June oo ay la ciyaari doonaan Costa Rica.

Magacyada xiddigaha xulka Brazil oo dhamaystiran:

Goolka: Alisson (Roma), Ederson (Manchester City), Cassio (Corinthians).

Difaaca: Danilo (Manchester City), Fagner (Corinthians), Marcelo (Real Madrid), Filipe Luis (Atletico Madrid), Thiago Silva, Marquinhos (both PSG), Miranda (Inter Milan), Pedro Geromel (Gremio).

Dhexda: Casemiro (Real Madrid), Fernandinho (Manchester City), Paulinho (Barcelona), Fred (Shakhtar Donetsk), Renato Augusto (Beijing Guoan), Philippe Coutinho (Barcelona), Willian (Chelsea), Douglas Costa (Juventus).

Weerarka: Neymar (PSG), Taison (Shakhtar Donetsk), Gabriel Jesus (Manchester City), Roberto Firmino (Liverpool).


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.