Xulka Qaranka England Ee Koobka Adduunka Oo Laga Reebay Hart Iyo Wilshere

Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa la filayaa inuu mar dhow ku dhowaaqo liiska xulka qaranka dalkaas ee ka qayb-geli doona koobka adduunka 2018 ee bisha dambe ka furmaya waddanka Ruushka.

Tababare Southgate ayaa liiska xulka qaranka England ka reebay goolhayihii hore ee xulka England, Joe Hart iyo laacibka khadka dhexe ee Arsenal ee Jack Wilshere.

Hart oo ay da’diisu tahay 31 jir ayaa England u saftay 75 ciyaarood, laakiin xili ciyaareedkan ayaa uu bandhig ciyaareed liidata soo bandhigay, waxaana 19 ciyaarood oo uu saftay laga dhaliyey 39 gool oo kooxda West Ham uu kula jiro.

Wilshere oo xili ciyaareedkani u ahaa mid wanaagsan maadaama uu wacdaro dhigay Arsenal oo uu ka helay boos joogto ah ayaa waxa uu la kulmay seefta tababare Southgate oo si naxariis la’aan ah uga saartay xulka tegaya koobka adduunka.

Dhinaca kale goolhayaha Everton ee Jordan Pickford ayaa buuxin doona booska Hart ee goolhayaha koowaad, waxaana ay loollami doonaan Jack Butland oo Stoke City ka tirsan.


 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.