3:03 pm - Monday August 23, 9232

Xulka Qaranka England Oo Sawir Wadareedkii Ugu Dambeeyey Ku Gallay Miami

Aidarous

Xulka qaranka England ayaa sawir wadareed qurux badan oo suudh-ka iyo Taygu u giijisan yihiin ku gallay diyaaradii geysay Miami wadanka Maraykanka hoosteeda, kaas oo noqonaya kii ugu dambeeyey ee xulka oo isku dhan laga qaado ka hor koobka aduunka ee Brazil ka bilaabanaya 11 ayaamood kadib.

1401288355359_wps_Strikers_Oscar_L_and_NeymQaranka Lagu naanayso libaaxyada saddexda ah ( The Three Lions), ayaa safarkoodan ujeedadiisu tahay isu diyaarinta koobka aduunka iyo ku dhawaanshaha wadanka Koonfurta Maraykanka ku yaala ee Marti gallinaya ciyaaraha caalamka sanadkan.

England xulEngland ayaa kula ciyaari doonta garoonka Sun Life Stadium ee magaalada Miami, kulamo saaxiibtinimo labada xul ee Ecuador iyo Honduras, ka hor inta aanay sida tooska ah ugu duulin Rio de Janero.

Jack Wilshare  sawir uu asxaabtiisa u soo diray

Jack Wilshare sawir uu asxaabtiisa u soo diray

Kooxda uu hor kacayo tababare Roy Hodgson ayaa soo ciyaartay kulankii koowaad ee saddex kulan oo ay is diyaarinta iyo tijaabada ka hor koobka aduunka qorshaha ku darsatay , waxaanay ciyaartaas oo ka dhacday gegida Wembley , 3-0 ku dubatay Qaranka Peru ee Koonfurta Maraykanka ka Tirsan.

Oxlade Chamberlain oo u Suul fidinaya taageerayaasha ka hor intaanu suudhka ku lebisan

Oxlade Chamberlain oo u Suul fidinaya taageerayaasha ka hor intaanu suudhka ku lebisan

Wilshare (midig) iyo Adam Lallana (bidix ) oo Telefoonka gacanta sawir isaga qaadaya

Wilshare (midig) iyo Adam Lallana (bidix ) oo Telefoonka gacanta sawir isaga qaadaya

Qayb kamid ah ciyaaryahanada xulka England Sawir guud oo xulka England ah

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Natiijooyinka Kulamadii Saaxiibtinimo ee Xulalka Adduunka & Xallay

Pele Innankiisa Oo 33 Sanno Oo Xabsi Ah Lagu Xukumay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: