6:47 am - Sunday August 20, 2017

Xulka Qaranka England Oo u Duulay Portugal oo Ay Tababar Ku Qaadanayaan

Aidarous
Xulka qaranka Ingiriiska oo diyaarada saaran
Xulka qaranka Ingiriiska oo diyaarada saaran

Xulka qaranka wadanka Ingiriiska ayaa u scodaalay wadanka Portugal si ay isu diyaarinta koobka Aduunka halkaas uga bilaabaan.

Xidigaha kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge iyo Raheem Sterling oo ay dhinaca ku hayaan xidigaha Arsenal ee Jack Wilshere iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa diyaarada korkeeda fariimo kula wadaagayay baraha Bulshada ee Internet ka, taageerayaasha xulka England.

Ciyaaryahanada Ingiriiska ayaa tababar ku sii qaadan doona magaalada Vale do Lobo ee wadanka Portugal, halkaas oo loogu diyaariyey garoon tababar oo si heer sarre ah loogu qalabeeyey.

Kooxda Maanta diyaarada u goosatay Portugal ayaa waxa iyagu ka sii horeeyey oo ay halkaas ugu tag doonaan xidiga naadiga Manchester United ee Wayne Rooney, oo duulimaad ka horeeyey ku tagay.

Wiilasha tababare Roy Hodgson ayaa ciyaar saaxiibtinimo halkaas kula yeelan doona xulka qaranka Peru 30 ka bisha May, taas oo ah isu diyaarinta koobka Adduunka 2014.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Luis Van Gaal

Tababarihii Ugu Horeeyey ee Ajanabi Ah ‘Van Gaal’ Oo Si Rasmi Ah Loogu Magacaabay Tababaraha Cusub Ee United

Barcelona Oo Goolwade La Soo Wareegtay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: