Xulka Qaranka Germany Ee Ka Qayb-geli Doona Koobka Adduunka Oo La Shaaciyey Iyo Halyey Magac Weyn Oo Laga Reebay

Xulka qaranka waddanka Germany ee ka qayb-geli doona Koobka Adduunka ee bisha dambe ka bilaabmi doona waddanka Ruushka ayaa lagu dhowaaqay, waxaana laga reebay halyeygii 2014 lugtiisu sababta u noqotay inay ku guuleystaan Koobka Adduunka.

Xulka qaranka oo ka kooban 27 ciyaartoy ayaan lagu soo dirin xiddigii dhaliyey goolkii uu Jarmalku ku qaaday Koobkii adduunka ee u dambeeyey, kaas oo ahaa Mario Gotze, laakiin waxa lagu soo daray goolhaye Manuel Neuer oo aan garoomada lugta soo gelinin tan iyo bishii September ee sannadkii hore oo uu dhaawac culus gaadhay.

Waxa kale oo uu tababaruhu xulkiisa ka reebay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Emre Can, difaaca Arsenal Shkodran Mustafi iyo laacibkii hore ee Chelsea ee Andre Schurrle.

Tababare Joachim Low oo dhowaan qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu xulka qaranka Germany kusii maamuli doono illaa sannadka 2022, ayaa waxa uu safkiisa ku daray Ilkay Gundogan iyo Leroy Sane oo Manchester City u wada ciyaara, waxaana uu ku xoojiyey Mesut Ozil iyo Antonio Rudiger oo Arsenal iyo Chelsea kala jooga, waxaase aanu meesha ka saarin rukunka adag ee Toni Kroos oo ah hoggaamiyaha khadka dhexe ee Real Madrid.

Xulka qaranka Germany waxay isku group yihiin Mexico, Sweden iyo Koonfur Korea, waxaana ciyaarta u horreysa ay yeelan doonaan Maalinta Axadda ah ee 17 June.

Halkan ka akhri liiska xulka qaranka oo ka kooban 27 ciyaartoy

Goolhaye: Bernd Leno (Bayer Leverkusen), Manuel Neuer (Bayern Munich), Marc-Andre ter Stegen (Barcelona), Kevin Trapp (Paris St-Germain)

Difaac: Jerome Boateng (Bayern Munich), Matthias Ginter (Borussia Monchengladbach), Jonas Hector (Cologne), Mats Hummels (Bayern Munich), Joshua Kimmich (Bayern Munich), Marvin Plattenhardt (Hertha Berlin), Antonio Rudiger (Chelsea), Niklas Sule (Bayern Munich), Jonathan Tah (Bayer Leverkusen)

Dhexda: Julian Brandt (Bayer Leverkusen), Julian Draxler (Paris St-Germain), Leon Goretska (Schalke), Ilkay Gundogan (Manchester City), Sami Khedira (Juventus), Toni Kroos (Real Madrid), Mesut Ozil (Arsenal), Sebastian Rudy (Bayern Munich), Leroy Sane (Manchester City)

Weerarka: Mario Gomez (Stuttgart), Thomas Muller (Bayern Munich), Nils Petersen (SC Freiburg), Marco Reus (Borussia Dortmund), Timo Werner (RB Leipzig)


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.