8:57 am - Monday May 29, 2017

Xulka Qaranka Haweenka Nigeria Oo Baarlamaanka Hortiisa Mudahraadkii la Tagay

Aidarous
Nigeria football

Xulka qaranka dumarka Nigeria ee lagu naanayso Super Falcons ayaa ku hor mudaaharaadaya xarunta baarlamaanka qaranka ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Abuja, sida uu ku waramay wargayska Punch newspaper.


Gabdhahan ayaa wali diidan in ay ka tagaan huteel ku yaalla magaalada Abuja ilaa iyo inta laga siinayo lacagahoodii gunooyinka ahaa iyo waliba tu dheeri ah, maadaama oo ay ku soo guulaysteen Koobka Haweenka Qaramada Qaaradda Afrika.

Xulka haweenka Nigeria oo lagu naanayso Super Falcons, ayaa saddexdii bishan labo io tobnaad qaaday koobkii sideedaad ee Afrika, ka dib markii ay 1-0 kaga adkaadeen xulka dalaka Kaameruun oo marti galisay koobka.

Gabdhaha xulka Nayjeeriya waxay ka mudaaharaadayaan hay’adda kubadda cagta ee Nayjeeriya oo ku guuldaraysatay in ay ciyaaryahanad kasta siiyaan 13,6000 oo gini ama 17,000 oo doolar.

Ciyaaryahanadan ayaa jaraynaya in ay arrintooda ku soo jeediyaan madaxwayne Muhammadu Buhari oo booqanaya baarlamaanka si uu u horgeeyo miisaaniyadda sanadka 2017-ka.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Ibrahimovic oo Xili Dambe Ku Guntaday Mourinho

Ibrahimovic Oo Xili Dambe La Baxsaday Mourinho

Rigoodhihii Ugu Horeeyey Oo Ku Yimid Go’aanka Garsoor ee Muuqaalada Ku Celiska Ah Oo Dhashay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com