1:25 pm - Saturday June 24, 2017

Xulka Qaranka Uruguay oo aan hubin xilliga uu soo laabanayo halyeygoodii  Luis Suarez 

Khadar Dirir

Dhakhtar xulka qaranka Uruguay Alberto Pan ayaa diiday inuu sheego waqtiga macquul ah usoo laabanayo weeraryahanka Liverpool Luis Suarez.

Xiddigii hore ee kooxda Ajax ayaa waxaa shaki weyn la geliyay inuu xagaagan ka qayb geli karo dhacdada koobka aduunka ee FIFA World Cup 2014 oo bartamada bisha soo socota ka furmi doona dalka Brazil kadib markii toddobaadkii hore qaliin lagu sameeyay si loo saxo dhibaato jilibka ka soo gaadhay maruu tababar la qaadanayay xulkiisa.

Pan ayaa sheegay in 27-sano jirkan si fiican u soo kabanayo  isla markaana xulkiisa ula safri doono dal weynaha Brazil, laakiin sheegay in aanu  weli hubin waqtiga uu si buuxda taam u noqon doono laacibkan “Waa arrin aad u khatar ah inaan bixino waqtiga saxda ah. Ma haysano xaqiiq buuxda oo cad laakiin muddadii qaliinka lagu sameeyay ayaa ahayd mid aad u wanaagsan.” Ayuu Pan u sheegay suxufiyiinta “Luis ma seegi doono tartanka koobka adduunka, laakiin kama hadli karno waqtiga uu sida gaar ah u soo laabanayo. Luis aad ayuu u wanaagsan yahay, anigu marnaba kama maqlin hadal xun, maxaa yeelay? isna wuxuu maalin kasta leeyahay waxaa fiican.”ayuu Pan hadalkiisa ku soo xidhay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Sagna: “Ma jiraan wax heshiis ah oo aan la galay kooxda Manchester City”

Tottenham Oo Tababare Cusub Loo Dhiibay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: