real

Tababaraha cusub ee xulka qaranka Spain ayaa shaaciyey 23 ciyaartoy oo uu u xushay ciyaaraha soo socda ee qarankiisu la yeelan doono waddama Talyaaniga iyo Albania.

Xulkan ayaa waxa markii ugu horreysay muddo 13 sannadood ah waxa kordhay ciyaartoyga ka tirsan kooxda Real Madrid oo gaadhay 6 laacib oo xulka tababare Julen Lopetegui ka mid noqday.

Xulka Spain oo lagu dhawaaqay Jimcihii ayaa waxay Real Madrid ku yeelatay Isco, Alvaro Morata, Lucas Vazquez, Nacho, Ramos iyo Carvajal, waxaana ay tiradan oo kale ugu dambaysay sannadkii 2003 oo uu tababare u ahaa Spain Inaki Saez oo ka xushay Madrid ciyaaryahannada Iker Casillas, Ivan Helguera, Raul Bravo, Michel Salgado, Guti iyo Raul.

Barcelona oo lahaan jirtay ciyaartoyga ugu badan ayaa hoos u dhac ku yimid, waxaana laga soo kexeeyey afar ciyaartoy oo kala ah: Pique, Alba, Seri Roberto iyo Sergio Buscuets.

Toddobaadkan dhamaadkiisa waxa uu xulka qaranka Spain la ciyaari doonaa xulalka Talyaaniga iyo Albania oo qorshaysan October 6 & 9 inay kala calaf-qaadaan ciyaaro ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Xulka ayaa waxa laga tegay ciyaartooyo muddo dheer safka hore kaga jiri jiray, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Cesc Fabregas iyo Iker Casillas, waxaana maqaneyaasha ku wehelin doona Marc Bartra, Cesar Azpilicueta, Juan Mata, Adrian and Paco Alcacer, Pedro iyo Juanfran.

Xulka oo dhamaystiran:

Goolka: David de Gea (Manchester United), Pepe Reina (Napoli) iyo Sergio Rico (Sevilla)

Difaaca: Nacho (Real Madrid), Jordi Alba (Barcelona), Gerard Pique (Barcelona), Sergio Ramos (Real Madrid), Dani Carvajal (Real Madrid), Sergi Roberto (Barcelona) iyo Javi Martinez (Bayern)

Dhexda: Sergio Busquets (Barcelona), David Silva (Manchester City), Thiago Alcantara (Bayern), Saul Níguez (Atletico), Koke (Atletico), Isco (Real Madrid)

Weerarka: Alvaro Morata (Real Madrid), Lucas Vazquez (Real Madrid), Nolito (Manchester City), Callejon (Napoli), Diego Costa (Chelsea) iyo Vitolo (Sevilla)