Xulkii Kubadda Cagta Somaliland Ee Abkhazia Oo Casuumad U Sameeyey Tababare Jaamac Karaaciin

jaamac-karaaciin

Ciyaartoygii iyo hormoodkii xulkii Somaliland ee sannadkii hore ka qayb-galay ciyaaraha dalalka aan la aqoonsanin ee ka qabsoomay Abkhazia ayaa casho sharaf ku maamuusay tababaraha caanka ah ee Jaamac Karaaciin oo macallin u ah ciyaaryahanada qaranka wadanka Qatar ee orodka iyo ciyaartooyo kale oo ay ku jiraan kuwo ree Djibouti ah.

Jaamac Karaaciin oo ku sugan Magaalada Hargeysa, ayey ciyaaryahannada xulka Somaliland oo ay hormood u ahaayeen Maxamuud-Govinda, Maxamed-Khadar, Guuleed-Alves iyo Cabdikariin-Guji, uuna wehelinayey khabiir Xasan Waraabe Cadde, waxay casuumad casho-sharaf ah ugu sameeyeen Summer Time, halkaas oo ay isku weydaarsadeen xog-waraysi iyo dardaaran uu Jaamac siiyey ciyaartoyga Somaliland.

Maxamuud Cabdi Xasan (Govinda) oo ku hadlayey afka ciyaaryahannada Somaliland ayaa waxa uu u mahad-celiyey Tababare Jaamac Karaaciin oo uu ku sifeeyey halyey sumcad badan oo ay sharaf u tahay in uu madal-la fadhiisto xulka Somaliland.

Tababare Jaamac Karaaciin, ayaa ciyaartoyga uga warramay faa’iidooyinka ciyaaraha, nidaamka dunidu uga faa’iidaysato, qaybta ay ka qaataan is-dhexgalka bulshooyinka iyo in ay yihiin waxa ugu wanaagsan ee uu dal magaciisa ku bari karo dadyowga kale ee dunida.

Tababare Jaamac waxa uu sheegay in ciyaaruhu ay qayb laxaad leh ka qaadan karaan iib-geynta qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo ictiraaf raadinteeda, taas daraadeedna loo baahan yahay in ciyaaryahannadu ay ku dedaalaan in ay is-dhisaan, si marka ay helaan fursad ay magacooda dalalka caalamka ugu bari karaan.

Ciyaaryahannadii ka qayb-galay tartankii Waddamada aan la aqoonsanin ayuu tababaruhu sheegay in ay sumcad u soo hooyeen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
wasaarada-ciyaaraha-somaliland

Khilaaf Xoogan Iyo Ismaan-dhaaf Lacageed Oo Soo Kala Dhex Gallay Wasiirka Ciyaaraha Iyo Agaasimihiisa Guud

Tabababare Jaamac Karaaciin Oo Ka Sheekeeyey Qisada Shirqool Loogu Geystay Spain Iyo Xadhiggiisii

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com