Yaa Ka Masuul Ahaa Guul-darradii Barcelona?

Xulistii horeba su’aalo ayaa laga keenay markii ay warbaahintu daabacday ciyaartoyga safka hore ee garoonka uu ku bilaabayo Luis Enrique, kaddibna garoonka ayey soo galeen xiddigaha Barcelona iyagoo niyadda ku haya in ay la ciyaarayaan kooxda Alaves oo dhowaan uun ka soo dallacday heerka labaad.

Waxa kursiga kaydka la fadhiisiyey Luis Suarez, Lionel Messi, Jordi Alba iyo Andres Iniesta. Dusha sare ee garoonkana waxa fadhiyey oo aan lebbisba qaadanin Gerard Pique iyo Sergio Roberto, ujeedadda ugu weyn ee tababaruhu ka lahaana waxay ahayd, iyagoo xulalka dalkooda u soo ciyaaray kulamadii toddobaadkii hore ee is-reeb-reebka koobka Adduunka iyo toddobaadkan oo ay sugayso ciyaar ka tirsan tartanka Champions League.

Neymar oo marba doogga garoonku inuu ku dhegayo la moodo ayaa dhex carcaray garoonka, laakiin wiilasha yar ee ka soo baxay heerka labaad, sannadkii horena koobka soo qaaday, kaddibna u soo dallacay horyaalka heerka koowaad, afartoodii laag ee ugu horreeyey ee ay goolka Barcelona oo uu dhex taagnaa Jasper Cillenssen laba ka mid ah ayey dhaliyeen.

Is-qaad-qaadkii Barcelona wuu shaqayn waayey, kubbad ay isku dhiibaan oo badanna way waayeen, Messi iyo Suarez oo qaybta dambe soo galayna waxba way tari waayeen, inkasta oo daqiiqaddii u dambaysay uu xiddiga Argentine lumiyey fursad dahabi ah.

Garsooraha ciyaartu wuxuu siidhiga dhamaadka kulanka afuufay iyadoo ay natiijadu tahay 1-2 lagu garaacay Barcelona oo waliba garoonkeeda joogta, goolkeedana ma dhalinin raggii looga bartay, waxase magaciisa dallacsiiyey Mathieu oo goolka saxeexay. Alaves oo habeenku u wacnaa, waxa goolasheeda dhaliyey Deyverson iyo Gomez.

Haddaba, su’aal ayaa timid, waxa lays weydiiyey cidda leh masuuliyadda in Barcelona oo shaadhkeeda laga baqdo ay koox ka soo baxday heerka labaad, si lama filaan ah u jiidjiiddo, garoonkeedana ugu dhex damaashaaddo.

Waxa su’aashan jawaabteeda la soo booday, tababare Luis Enrique oo warbaahinta horteeda ka shaaciyey in uu isagu leeyahay masuuliyadda guul-darrada, wax kasta oo dhacayna uu dusha ku qaadanayo, sidoo kalena aanay jirin cid eeddiisa la wadaagaysa.

Ciyaartoygii labada kooxood u saftay:

Barcelona: Cillessen; Vidal, Mascherano, Mathieu, Digne; Rakitic, Busquets, Denis Suarez; Turan, Alcacer, Neymar

Kaydka: Iniesta, Suarez, Messi, Rafinha, Alba, Umtiti, Masip

Goolka: Mathieu (46)

Alaves: Pacheco (c), Femenia, Alexis, Laguardia, Garcia, Hernandez, Mendez, Torres, Llorente, Gomez, Deyverson

Kaydka: Camarasa, Santos, Ortola, Espinoza, Toquero, Sanchez, Vigaray

Goolasha: Deyverson (39) Gomez (64)

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Macalin Zidane Oo Gaadhay Rikoodhkii Taariikhiga Ahee Ee Tababarihii Munoz

Mo Farah Oo Si Xun Loo Caayey Iyo Qiso Murugo Leh Oo Xaaskiisu Ka Warrantay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com