Yaa Maqnaan Doona, Yaa Ciyaari Doona Ciyaarta Madrid Derby?

Kooxaha magaalada Madrid ka wada dhisan ee Real iyo Atletico ayaa caawa isku haleeli doona garoonka Bernabeu. Waxay wada ciyaarayaan wareegga quarter finalka ee Champions League. Xusuus badan ayey labada kooxood isku leeyihiin dhinaca ciyaaraha Champions League, tii ugu dambaysayna waxay ahayd finalkii sannadkii hore oo ay iyagu isugu soo hadheen iskuna haleeleen magaalada Lisbon. Waxa ka horreysay sannadkii 1987 oo ay labada kooxood marxaladdan oo kale isugu yimaaddeen.

Yaa Ka Maqan kulanka caawa

Real Madrid: Kooxda Los Blancos werwer badan ayaa saaran, iyadoo ay ka maqnaanayaan xiddigaha Luka Modric, Gareth Bale iyo Benzema oo dhaawacan iyo waliba ganaax uu ku maqnaanayo Marcello.

Atletico Madrid: Kooxdan ma jiro walaac badan oo saaran, kaliya waxa ganaax kaga maqnaan doona Mario Suarez inkasta oo shaki la gelinayo weeraryahanka Mandzukic oo la sheegayo in uu ka cabanayo dhaawac fudud.

Sidee ayay u ciyaari doonaan labada kooxood:

Real Madrid: Tababare Carlo Ancelotti ayaa la filayaa in uu ku ciyaaro shax ka kooban 4-4-2 oo kala noqon doona: Casillas; Carvajal, Varane, Ramos, Coentrão; Isco, Illarramendi, Kroos, James; Ronaldo, Hernández.

Atletico Madrid: is-beddel badan kama muuqdo shaxda tababaran, waxaanu safi doonaa sida loo badinayo: Oblak; Juanfran, Miranda, Godín, Siqueira; Arda Turan, Gabi, Tiago, Koke; Griezmann, Mandžukić.

Taariikh Kooban:

Labadan kooxood oo ka dhisan isku magaalo, waxay yihiin cadow nacaybkoodu aad u fogaaday. Waxay isaga hor yimaaddeen 202 ciyaarood oo horyaalka La Liga ah, 103 kulan waxa badisay Real Madrid, 50 kulan waxa badisay Atletico Madrid halka ay 49 ciyaarood oo kalena barbar dhac galeen.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Real V Atletico: Daawo Ciyaartii Finalka Champions League Ee Isugu Dambaysay – Video

Alonso: Nasiib Wacan Ayaan U Rajeynayaa Real Madrid, Waa In Ay Soo Baxdo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com