1:23 pm - Saturday June 24, 2017

Yaab: Dhowr sababood Oo tahli kara inuu Cesc Fabregas isaga hayaamo Barcelona

Khadar Dirir

Mustaqbalka laacibka Barcelona Cesc Fabregas ayaa maalmahaan ahayn mid fadhiya iyadoo si wayn lala xidhiidhinayo inuu isaga soo tago gegada Camp Nou.

Inkastoo ay Barcelona sheegtay inay dooneyso inay sii xafidato laacibka laakiin Fabregas ayaa doonaya inuu isaga soo tago sida ay xaqiijinayaan warar ka ag dhow Barcelona iyadoo ay Chelsea iyo Man City ay ku dhow yihiin saxeexa laacibkan.

Jariiradda El Mundo de Portivo ayaa daaha ka rogtay afar waxyaabood oo ku qasbaysa laacibka inuu isaga tago Barcelona.

1.Laacibka oo aan dareemayn in aanu ahmiyad ku lahayn mashruuca cusub ee tababaraha cusub ee Barcelona Luis Enrique.

2.Taageerayaasha Barcelona oo la arkayay iyagoo ku oorinaya Fabregas dhowr kulan oo ka tirsanaa xilli ciyaareedkii tagay.

3.Kubbada Fabregas oo ku haboon Premier League maadaama uu laacibku jeclyahay inuu kubbada hayo.

4.Xaaska Fabregas iyo caruurtiisa oo doorbidaya nolosha magaalada London oo ay waqti dheer ku soo noolaayeen.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Pique: Barcelona Meeqaam Liita Ayay Dhigtay Fabregas

FADEEXAD HOR LEH: Barcelona oo lagu soo Eedeeyey cashuur ay ka bixin weyday Heshiiskii ay kula soo wareegtay Neymar

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: