Yaabka Spain: Getafe Waxay Haysataa 11 Ciyaartoy Oo Kaliya

Waddanka Spain ayey toddobaadkan indhuhu ku wada jeedayaan, kadib markii ay soo baxday xaallad yaab ku ridday dadka.

Kooxda heerka koowaad ee Getafe ayaa xeradeeda ciyaartooyada waxa lagu arkay 11 ciyaartoy oo kaliya. Markii la baadhay waxa la ogaaday in ciyaartooyadii kale ee kooxdaasi ay isugu jiraan kuwo dhaawacan oo jiifa, kuwo ganaax ku maqan oo aan diyaar u ahayn ciyaaraha toddobaadkan iyo kuwo kale oo la iibiyey intii uu suuqa kala iibsiga ciyaartooyadu furnaa bishii June.

Getafe oo isku diyaarinaysa ciyaar ay Sabtida garoonkeeda kula ciyaari doonto Levante, ayey ka maqnaan doonaan saddexdii goolwade ee kooxdu lahayd, labada difaacyahan ee Alexis iyo Velazquez oo labaduba ganaax ah, Alvaro, Valera, Yoda iyo Lafita oo dhamaantood dhaawac ah.

Sidoo kale, kooxda ayaa bishii June iibisay Michel iyo Sammir iyadoo qorshuhu ahaa in ay ku soo beddelato ciyaartooyo kale, hase ahaatee xidhiidhka Spain ayaa u diiday in ay wax ciyaartooyo ah iibsadaan maadaama uu dhaqaalaha kooxdu liito.

Arrintan ayaa ku khasabtay tababare Pablo Franco in uu dib ugu noqdo kooxda heerka labaad, waxaanu ka soo qaatay raxan uu u carbisanayo inay u ciyaaraan kooxda heerka koowaad.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kroos Oo Farriin Duco Ah U Diray Bale iyo Modric: Hore U Bogsada

Mourinho: Hazard Wuxuu La Tartamayaa Ronaldo Iyo Messi

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com