7:29 pm - Friday August 18, 2017

Yannick Sagbo Oo Ganaax Culus Ku Mutaystay ‘Waxaad Taageertay Nicolas Anelka’

Aidarous

Weeraryahanka kooxda Hull city ee Sagbo ayaa la mariyey sharciga xidhiidhka kubada cagta Ingiriiska ‘FA’ ee xeer number E3, laguna xukumay ganaax lacageed oo dhan £15,000 iyo inuu gallo Iskuulka Anshaxa lagu barto oo qasab ah kadib markii lagu eedeeyey inuu taageeray dhacdadii dabaal degga eeAnelka.

Laacibkan reer Ivory Coast ayaa bogiisa Twitter ka soo dhigay sawirka weeraryahan Anelka oo dabaal degaya isla markaana samaynaya astaanta salaanta ahayd ee lagu haystay , waxaanu hoosta kaga qoray eray ah: “Legend” ama halyey.

Qoraal ka soo baxay FA-ga ayaa lagu yidhi: “Iyadoo aan tixraacayno , dhagaysigii baadhitaanka ay sida xorta ah u sameeyeen komishanka sharciyadu, waxaanu ku xukunay , Yannick Sagbo ganaax lacageed oo ah £15,000, oo racfaan qaadasho u furan tahay, kadib markii uu jabiyey xaeerka “FA Rule E3.

“Ciyaaryahanka Hull City waxa kale oo lagu waaninayaa si aanu mar dambe ugu dhicin dambigan oo kale, inuu dhamaystirto kooras waxbarasho oo khasab ah.

Ciyaaryahanka Nicoles Anelka ayaa dhowr bilood ka hor, isagoo u dabaal degaya gool uu dhaliyey sameeyey Astaan lagu magacaabo ‘quenelle Gesture” ama Salaantii Quenelle ” oo ah mid si weyn uga xanaajisa dadka Yuhuuda ah , taas oo aakhirkii keentay In Nicolas uu ka tago kooxda West ham, ganaaxna ay saaraan xidhiidhka Ingiriisku.

Go’aankan FA ku ganaaxday weeraryahan Sagbo ayaa ah mid labada dhinacba ay u furan tahay inay racfaan ka qaadan karaan , laakiin sida muuqata waxa la arkayaa inaan midkoodna diyaar u ahayn samaynta arintaas.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Vincent Kompany Oo Laba Maqaaxiyood Oo Ciyaaraha Lagu Daawado (Sports Bar ) Ka Furtay Wadankiisa Belgium

Website-ka Man United Oo Hawada Ka Baxay Markii Lagu Qorey Warka Ina La Eryey Tababare David Moyes

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: