Yaya Toure: Sharaf bay ii ahaan lahayd haddaan ku biiri lahaa PSG

Yaya Toure ayaa tilmaamay inay ‘sharaf u ahaan lahayd’ inuu u ciyaaro Paris Saint-Germain wakhti hadal haynta ka tagistiisa Manchester City ay noqotay sheekho taala meel walba oo dunida ka mid ah.

Wakiilka laacibkan khadka dhexe ayaa todobaadkii hore sheegay inaanu ciyaaryahanku ku faraxsanayn sii joogista kooxda haysata horyaalka Ingiriiska , waxaanu sabab uga dhigay – kooxda oo aan dabaal deg iyo hambalyo midna u samaynin maalintii dhalashada xidiga madow.

Toure ayaa isna sii xoojiyey hadal hayntaas kadib markii uu sheegay inuu soo saari doono qoraalka go’aan ka gaadhista mustaqbalkiisa , marka uu ka soo noqdo ciyaaraha koobka aduunka.  Waraysi uu imika bixiyeyna wuxuu ku iftiimiyey jacaylka uu u qabo kooxda Horyaalka Ligue 1 haysata ee PSG.

“Markaan ka fikiro damaca iyo Aragtida mustaqbalka ee Paris Saint-Germain, side ayaadan u xiisaynayn koox sidaas oo kale ah?” ayuu ku yidhi – jariidada France Football.

“PSG waxay noqotay awooda naadiyada Yurub. Sharaf bay ii ahaan lahayd inaan naadi sidaas ah maalin uun kamid noqdo..”

Toure ayaa ahaa furaha guusha kooxdiisa ee xili ciyaareedkii dhamaaday. 20 gool-na u dhalliyey horyaalka, sagaal jeerna caawiye gool ahaa. Cityna ay sidaas ku hanatay horyaalka Ingiriiska.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Tottenham Oo Tababare Cusub Loo Dhiibay

Diego Simeone Oo La Ganaaxay & Real iyo Atletico Oo Iyana Ciqaab Mutaystay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com