toure

Xiddiga khadka dhexe ee Yaya Toure ayaa ka hadlay dib ugu soo laabshadiisii garoomada muddo saddex bilood ah kaddib.

Yaya ayaa laba gool u dhaliyey Manchester City kulankii Crystal Palace oo ku dhamaaday 2-1, uu guusha gacanta ugu geliyey Pep Guardiola iyo kooxdiisa, waxaana 33 jirkan oo warbaahinta la hadlay ciiyaarta kaddib uu sheegay in uu mar walba diyaar u ahaa in uu in uu u ciyaaro kooxda.

Toure waxa uu caddeeyey in uu ogaa in uu tababaruhu u baahan doono maalin uun, waxaanu yidhi: “Maskax ahaan diyaar ahaan u ahaa, waanan ogaa in uu maalin ii baahan doono tababaruhu.”

Xiddigan khabiirka ku ah khadka dhexe ee habaynta kubbadaha iyo dhalinta goolasha, waxa uu tibaaxay in uu aad ugu faro kubadda cagta iyo ciyaaristeeda.

Toure ayaa laba jeer kula guuleystay Manchester City horyaalka Premier League, laakiin garoomada ayaan lagu arag tan iyo bishii August, wakhtigaas oo tababare Pep Guardiola uu sheegay in aanu u baahnayn, taas oo keentay in wakiilka Toure oo lagu magacaabo Dimitri Seluk uu si ba’an u weeraro, laakiin Yaya ayaa raalligelin ka bixiyey weerarka wakiilkiisa.

Markii ay taageereyaashu garoonka ku arkeen Toure, waxay isku dareen sawaxan iyo sacab ay ku soo dhoweynayaan, iyadoo mid ka mid ah taageereyaasha xagjirka ah ee kooxduna uu garoonka soo galay isagoo wata inan yar oo uu dhalay.