Yaya Toure: Waxa La Gaadhay Wakhtigii Aanu Isku Muujin Lahayn Yurub

Yaya Toure 3Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Yaya Toure oo ka soo laabtay ganaax saddex ciyaarood ah, ayaa caawa u safan doona kooxdiisa, waxaanu xasuusiyey laacibiinta ay isku naadiga yihiin in la gaadhay wakhtigii ay City is muujin lahayd, isla markaana ay garaaci lahayd Barcelona si ay ugu gudubto wareegga 8-da kooxood ee tartanka Champions League.

“Ciyaartani aad ayay muhiim noogu tahay, waxaanan rajeynayaa in aanu ku soo bixi doono. Mulkiileyaashu waxa ay nagu kharash gareeyeen lacag badan si kooxdu uga mid noqoto naadiyada ugu waaweyn Yurub, laakiin dhibaatooyin ayeynu la kulanay waana in aanu si adag u shaqayno” sidaas ayuu yidhi Toure.

Yaya waxa uu tibaaxay in kooxdiisu ay isku deyi doonto in ay guul ka gaadho Barca iyadoo kaashanaysa taageereyaasheeda.

Toure oo la weydiiyey hadal haynta sheegaysa in uu Pellegrini shaqada ka tegi doono haddii laga badiyo, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Kubadda cagta ayaa sidan ah. Sannadkii hore waanu wanaagsanayn anaga oo ku guuleysanay laba koob, qof kastaana waxa uu lahaa Manchester City waxay ka mid ah tahay kooxaha ugu sarreeya Yurub. Hadda, arrintu way isbeddeshay, dhibaato ayaa na soo food-saartay, waxaananu nahay kooxda ugu liidata adduunka, laakiin waanu ka soo kaban karnaa.” Sidaas ayuu yidhi.

Tababaraha Manchester City, Manuel Pellegrini ayaa isaguna sheegay in kooxda looga baahan yahay in ay ka jawaabto maalgelin dhan 1 bilyan Pound oo uu kooxda geliyey Sheikh Mansour.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Tababaraha Monaco: Wenger iyo Arsenal namay ixtiraamin

Barcelona iyo Juventus oo Aasay Manchester City & Dortmund

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com