2:51 pm - Saturday July 29, 2017

Yurub oo diiday in la Kordhiyo Tirada Xulalka Ku Hirdama koobka kubadda cagta adduunka

Aidarous

Ururka metela hormuudka naadiyada kubbada cagta qaarada Yurub, ayaa ka soo hor jeestay oo si cad u diiday, qorshaha FIFA ee ah in la kordhiyo tirada wadamada ka qayb gala tartanka koobka adduunka.


Horraantii bishan December, Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino wuxuu soo jeediyay in 48 kooxood ay ka qayb-galaan tartanka k-aduunka oo loo kala qaybiyo 16 Group, mid kastana ay saddex dal ka kooban tahay.

Ururka naadiyada Yurub ay ku bahoobaan ee magaciisa loo soo gaabiyo, (ECA) wuxuu sheegay in tirada kullamada ciyaaaraha ee sanadka la ciyaaro koobka aduunku, ay horeba u ahaayeen kuwo aad u badan oo aan la aqbali karin.

“Waxaan ku waaninaynaa FIFA inaan la kordhin tirada ka qayb-galeyaasha koobka aduunka,” ayuu yidhi gudoomiyaha ururka ECA Karl-Heinz Rummenigge.


FIFA WAA IN 48 DAL KA QAYB GALAAN KOOBKA ADDUUNKA


Golaha FIFA ayaa ka wada-hadli doona dalabka Infantino, marka ay kulmaan 9-ka bisha January ee sanadka soo socda.

Balse Madaxweynaha FIFA, wuxuu qorshaha ballaadhintu ka mid ahaa ballan qaadkii uu sameeyay markii uu u tartamayay kursiga gudoomiyenimada FIFA.

Arrintaas ayaana sababtay inuu si aan caadi ahayn ugu guuleysto doorashaddii FIFA uuna noqdo madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta ee caalamka.

Tirada dalalka ka qayb gala ciyaaraha koobka adduunka ayaa markii ugu dambeysay ee la kordhiyay waxay ahayd 1998-kii.

Waxaa laga dhigay 32 dal, waxayna hore u ahaan jirtay 24 wadan, balse kordhinta hadda la qorshaynayo lama filayo inay dhacdo ka hor 2026-ka.


FIFA OO KALA DIRTAY GUDDIDA LA DAGAALANKA CUNSURIYADDA


Rummenigge wuu tilmaamay: “Waa inaan diiradda saarnaa ciyaaraha mar kale. Siyaasadda iyo dhaqaaluhu waa inaanay ku gaar noqon kubadda cagta.”

Xidhiidhka ECA wuxuu matalaa in ka badan 200 oo kooxood oo ay ka mid yihiin Real Madrid, Barcelona, Juventus, Bayern Munich, Manchester United iyo Chelsea.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Cristiano Ronaldo oo Durba Abaal-marrintii Ballon d’Or geeyay Madxafkiisa

Lionel Messi Oo Guursanaya Haweenay 2 Carruur Ah Haysata

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: