Labada tababare ee Zinedine Zidane iyo Diego Simeone ayaa loo doortay in ay yihiin labada tababare ee ugu sumcadda badan qaaradda Yurub.

Guddida Comunicar es ganar, ayaa daabacay xog ururin ay ka sameeyeen dhamaan qaaradda yurub oo ay ku xulayeen tababareyaasha ugu sumcadda badanaa xili ciyaareedkii tegay.

HOryaalka waddanka Spain waxa kaalinta koowaad galay Diego Simeone, waxaana kaalinta labaad galay Zinedine Zidane, halka tababaraha kooxda yare e Las Palmas uu si lama filaan ah ugu soo booday kaalinta saddexaad. Luis Enrique ayaa booska afraad xoogsaday.

Pep Guardiola ayaa kaalinta koowaad ku guuleystay dhamaan tababareyaasha qaaradda yurub marka la isku wada daro, kaalinta labaadna Carlo Ancelotti.