6:54 pm - Monday August 21, 2017

Zidane Oo aaminsan in Paul Scholes iyo Ryan Giggs ay ku filan Yihiin shaqadda Man.United

Khadar Dirir

Zinedine Zidane ayaa aaminsan in kooxda Man United aanay u baahnayn tababare kale ayna shaqada kooxda ku filan yihiin Paul Scholes iyo Ryan Giggs.

United ayaa shaqada ka eriday tabababare David Moyes, waxaana kooxda si ku meel-gaadh ah loogu dhiibay Ryan Giggs iyadoo caawiye looga dhigay Paul Scholes.

Zidane oo ka mid ah qolka tababarka ee Madrid ayaa u sheegay Daily Mail in labada nin ay ku filan yihiin in ay kooxdda dib ugu soo celiyaan sumcadeedii “Waa cajiib in Giggs uu maanta yahay macalinka United oo kaga wanaagsan yahay in tababare kale la keeno kooxda hoos u dhacday ee Man.United.”Ayuu yidhi Zidane waxaanu intaasi hadalkiisii sii raaciyey “Waxaan u maleynaya isaga iyo Paul Scholes in ay qaban doonaan shaqo wanaagsan hadii la siiyo fursad, waxay garanayan kooxda, waxay haystaan niyada ciyaartooyda , qof walba ayey saaxiib la yihiin , way ku filan yihiin shaqadaas looma baahna qof kale.” Ayuu hadalkiisa ku gunaanaday Zidane

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Madaxweyne Barack Obama siday isku Yihiin Kubadda cagta?

Arsenal Oo dadaalkii ugu dambeeyay ugu jirta inay Sagna ku qanciyaan heshiis cusub

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: