Zidane Oo Hadal Murti Ah Kaga Jawaabay Guul la’aantii Villarreal

Zinedine Zidane ayaa hadal murti ah kaga jawaabay guul la’aantii barbar dhaca ahayd ee kooxdiisa lagaga horjoogsaday inay dhigto rikoodhkii ugu badnaa ee guulaha xidhiidhka ah, kaddib markii ay 1-1 ku kala baxeen Villarreal oo ay isku haleeleen garoonka Bernabeu.

Tababare Zidane waxa uu sheegay in khaladaad ay kooxdiisu samaysay qaybtii hore, balse ay qaybta dambe si fiican u ciyaartay, ayna ahayd bandhig ciyaareed fiican oo uu la dhacsanaa wixii ay xiddigihiisu qabteen qaybta dambe, balse aanay suurtogal ahayn in ciyaar walba inta goolal lagaga horreeyo ay daqiiqadaha u dambeeya guusha keenaan.

“Kubadda cagta khaladaad way dhici karayaan, khaladkaasina wuxuu dhacay qaybta hore.” Sidaas ayuu yidhi Zidane oo la hadlayey wariyeyaal ku sugan Madrid.

Zidane waxa uu sheegay in aanu ciqaabi doonin ciyaartoygiisa, laakiin uu la dhacsan yahays idii ay u shaqeeyeen, waxaanu yidhi: “Mar wallba ma guuleysan karo daqiiqadaha u dambeeya, maan ciqaabayo ciyaartoyga, waayo waxaan ku faraxsanahay wixii ay qabteen gelinkii dambe, markaa ma doonayo inaan ka hadlo rikoodhka, laakiin waa inaan ka fikirno kulanka dambe iyo isbeddellada aanu samayn karno, gaar ahaan bilowga ciyaarta oo aanu isku-xidhka lumino.”

Zidane waxa uu sheegay in kooxdiisu aanay mar walba si fiican u ciyaari karin, guulna aanay gaadhi karin, barbar dhicii Arbacadii ee Villarreal na ay dhici karto marar kale.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Liverpool Oo hogaaminaysa kooxaha Macaashka Ugu Badan Ka Helay Suuqya Iibka Laacibiinta 10-kii Sanno Ee Ugu Dambeeyey.

Mourinho Iyo Guardiola Oo Mar kale Is Haleelaya, Klopp Oo Waajahaya Tottenham iyo Isku-aadka ELF Cup Oo Dhamaystiran

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com