Zidane oo loo magacaabay tababaraha cusub ee da’yarta Real Madrid

Kooxda Kubadda Cagta Real Madrid ee Waddanka Spain ayaa shaaca ka qaadday in Zinedine Zidane oo xilli ciyaareedkii dhamaaday ahaa tababare ku xigeenka naadigaasi ee ka hoos shaqeynayay macallin Carlo Ancelotti haatan si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha cusub ee kooxda da’yarta Real Madrid Castillia.

Zidane waxaa lala xidhiidhinayay in uu shaqo macallinimo oo rasmi ah u raadsan doono kooxaha waaweyn ee caalamka balse maamulka Real ayaa isla gartay in Khabiirkani uusan ka dheeraan Naadiga Los Blancos isla markaana uu ka shaqeeyo soo saaridda laacibiin cusub oo da’yar.

Xidiggii hore ee Reer France Zinedine Zidane waxa uu u soo ciyaaray kooxda Real Madrid 2001 illaa uu kaga fariistay cayaaraha 2006, waxaana kaddib uu qaatay Leysinka Tababarenimada UEFA.