Zidane Oo Qorsheeyey Inuu PSG Kala Hor Tago Ciyaartooyo Aan Marna Fursad Isku Helin Xili Ciyaareedkan

Ciyaarta ugu adag ee Real Madrid xili ciyaareedkan soo martay, waxay dhacaysaa Arbacada, taas oo dhinac walba oo laga eego ka weyn, kana saamayn badan kulanka dunidu aadka u xiisayso ee El Clasico ee Barcelona iyo Real Madrid.

Tababare Zinedine Zidane waxa uu qorsheeyey in ciyaartan oo muhiimad weyn u leh mustaqbalkiisa iyo sharafta Real Madrid, ayaa waxa uu hore usii shaaciyey inuu garanayo shaxda rasmiga ah ee uu kala hor tegayo PSG, taas oo kusoo booqanaysa garoonka Santiago Bernabeu maalinta Arbacada.

Real Madrid shaxdeeda rasmiga ah, waxa kala dhantaalay ganaax ku dhacay Dani Carvajal, kaas oo kulankan ku seegaya markii uu si badheedh ah kaadh ugu qaatay ciyaartii 3aad ee hormooyinka, taas oo lagu abaalmariyey inuu ciyaar labaad ganaax ku seego.

Tani waxay khasab kaga dhigaysaa Zidane inuu booska baasha midig ka ciyaarsiiyo Nacho, taas oo keenaysa in uu garoonka kusoo galo sidan: Keylor Navas; Nacho, Raphael Varane, Sergio Ramos, Marcelo; Casemiro, Toni Kroos, Luka Modric; Gareth Bale, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema.

Arrinta xiisaha leh waxay tahay in shaxdani aanay marnaba fursad isku helin xili ciyaareedkan, isla markaana aanay garoonka iskugu iman.

Haddii Zidane go’aankiisa ugu dambeeya sidan ka dhigo, waxa kursiga kaydka fadhiyi doona Isco, Lucas Vazquez, Marco Asensio iyo Mateo Kovacis oo kaabis u ahaanaya xiddigaha garoonka ku jira.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.