Zinedine Zidane ayaa magacaabay ciyaartoyga uga qayb-gelaya ciyaarta Champions League ee Salaasada dhex mari doonta Sporting Lisbon, taas oo ka kooban 20 ciyaartoy.

Kooxda uu tababare Zidane magacaabay oo ka kooban ciyaartooyadii guusha u horseeday kulankii Atletico Madrid oo lagu kordhiyey goolhaye saddexaad iyo weeraryahan shanaad, ayaa waxa mar kale ka maqan Casemiro, Pepe iyo Toni Kroos oo la halgamaya ka soo kabashada dhaawac ay muddo u jiifeen.

Ciyaartoyga uu Zidane u xushay kulanka Lisbon:

Goolhaye: Keylor Navas, Casilla, Yáñez.

Difaac: Carvajal, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Coentrão, Danilo.

Khadka dhexe: James, Kovacic, Modric, Asensio, Isco.

Weerarka: Ronaldo, Bale, Benzema, Vázquez iyo Mariano.