Zinedine Zidane Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Mustaqbalkiisa, Waxa Uu Ka Filayo Mbappe Iyo Rajada Xulka Faransiiska Ee Koobka Adduunka

Tababarihii dhowaanta iska casilay Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa markii ugu horreysay ka hadlay mustaqbalkiisa muddada dhow, ciyaaraha koobka adduunka ee toddobaadkan ka furmaya Ruushka iyo waxa uu ka filayo laacibka da’da yar ee Kylian Mbappe oo afka hore uga ciyaaraya Faransiiska.

Zidane oo Axaddii ka qayb-galay ciyaartii finalka koobka kubadda Tennis-ka Franch Ope ee garoonka Roland Garros ee Rafael Nadal uu ku hantiyey koobkii 11aad oo xidhiidh ah, ayaa markii ay dhamaatay waxay is heleen koox wariyeyaal ah oo su’aalo weydiiyey.

Su’aal laga weydiiyey mustaqbalkiisa iyo waxa u qorshaysan, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Waan nasanayaa, mana garanayo waxa aan qaban doono. Waxa muhiimka ahi waa go’aankii aan qaatay, waanaynu arki doonaa waxa dhici doona.”

Zidane ayaa waxa uu kasoo muuqday xaflad loo qabtay garoon da’yarta loogu talo-galay oo ay duleedka garoonka weyn ee Stade de France laga bineeyey, waxaana kala qayb-galay xiddigihii ay isku wakhtiga ahaayeen ee reer France ee Laurent Blanc, Youri Djorkaeff, Fabien Barthez, Christian Karembeu iyo Robert Pires.

ZIZOU waxa wariyeyaashu ay weydiiyeen waxa uu ka filayo xulka qaranka Faransiiska, iyo laacibka da’da yar ee Kylian Mbappe, waxaanu yidhi: Kooxdani waxay leedahay mustaqbal dhab ah. Waxa aan rajaynayaa inay illaa intii suurtogal ah socon doonaan, maxaa u diidaya inay ku guuleystaan Koobka Adduunka. Mbappe waa ciyaartoy cajiib ah marka aad da’diisa eegto, waa inaynu u ogolaano inuu sameeyo waxa uu garanayo sababtoo ah mar walba waxa uu samaynayaa go’aanka saxda ah.”

Zinedine Zidane oo dhamaadka bishii May si lama filaan ah iskaga casilay Real Madrid laba maalmood kaddib markii uu u qaaday Koobka Champions League sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa dhawr kooxood oo badankoodu ka dhisan yihiin waddanka Ingiriiska iyo xulka qaranka France.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.