Zinedine Zidane Oo Tibaaxay In Real Madrid Iibsanayso Paul Pogba

Zinedine Zidane ayaa doonaya in ay Real Madrid ku dedaasho in ay iibsato laacibka Paul Pogba marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyadu.

Zidane ayaa wada hadallo kala lahaa Florentino Perez iyo Jose Angel Sanchez oo ah agaasimaha kooxdaas sidii ay suurtogal u noqon lahayd in ay soo iibsadaan Pogba. Waxa dhab ah in uu Zidane telefoon kula hadlay Pogba oo uu weydiiyey damiciisa in uu ku biiro Real Madrid isla markaana uu u soo bandhigo in uu isaga yimaaddo kooxda Talyaaniga ah oo uu kula jiro heshiis soconaya illaa sannadka 2019 oo uu sannadkii ku qaato mushahar gaadhaya €4.5m oo ah mushaharka ugu badan ee Juventus ciyaartoy siiso taas oo uu kala siman yahay Buffon oo kaliya.

Zidane

Pogba waxa xiisaynaya labada kooxood ee PSG iyo Manchester United, laakiin labadoodaba hoos ayuu u dhigay doonistooda. Manchester United oo uu hore ugu ciyaari jiray waxa uu ka tegay sannadkii 2012 mana doonayo in uu dib ugu laabto kadib murug uu kala kulmay tababarihii wakhtigaas Sir Alex Fergusson. Barcelona ayaa iyaduna toddobaadadii u dambeeyey albaabkeeda u furtay xiddigan, laakiin caqabadda haysata ayaa ah in aanay wax ciyaartooyo ah iibsan karin illaa laga gaadhayo January 2016 maadaama ay FIFA ka xayirtay suuqyada.

Sannadkii 2011 markii uu Zidane sababta u noqday in Real Madrid ay iibsato Rafael Varane, waxa kale oo uu ishaaray Paul  Pogba hase yeeshee sidaas waxba uma ay dhicin.

Taxaddar iyo shaki ayay ka muujinaysaa Madrid in uu ciyaartoygani leeyahay awooddii uu kula qabsan lahaa kooxda, waxaanay su’aal gelinaysaa hab-dhaqankiisa garoonka dhexdeeda. Waxa intaa dheer, Real Madrid ma dooneyso hadal haynta badan iyo hadallada uu wakiilka ciyaartoygan ee Mino Raiola uu toddobaadyadii u dambeeyey ku haystay boggagga hore ee warbaahinta dunida.

Varane: Taageerayaha Weyn.

Ka sokow Zidane, waxa isaguna si weyn u taageera laacibkaas madow, difaacyahanka Real Madrid ee Rafael Varane oo doonaya in Pogba la keeno Madrid. Waraysi uu Varane siiyey wargeyska Telefoot, ayaa waxa uu ku yidhi: “Waxa aan u sheegay Pogba in uu yimaado Madrid.” Labadan ciyaartoy ee da’yarka ah ee reer Faransiis waxa ay dhasheen sannadkii 1993kii waxaanay ahaayeen saaxiibo muddo dheer iyagoo u wada ciyaaraha xulka qaranka dalkooda.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Enrique: Ingiriisku Dagaal Bay Kula Jiraan Suarez

Borussia Dortmund Oo Madaxa La Soo Kacday Dhulkana Jiid-jiiday Schalke

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com