Zlatan Ibrahimovic Oo Si Layaab Leh U Amaanay Paul Pogba Iyo Saamayntii Uu Ku Lahaa Koobka Adduunka

Laacibkii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimović ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiis hore Paul Pogba, kadib markii uu xulkiisa France kula guuleesatay koobka aduunka 2018 ee dalka Russia.

Xulka qaranka France ayaa markii labaad ee taariikhdooda ku guulaystay koobka aduunka kadib markii ay si layaableh 4-2 ugu dubteen xulka qaranka Croatia ee finalkii koobka aduunka ee magaalada Moscow ka qabsoomay. Xulka France oo hore koobka aduunka ugu soo guulaystay 1998 kii ayaa markale championska aduunka noqday 2018.

Hadaba Zlatan Ibrahimović ayaa bogiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku amaanayay saaxiibkiis hore ee Paul Pogba kadib markii uu yidhi: “Iska daa ha iska hadlaan, laakiin ciyaarta nafteeda ayaa hadleysa”.

Hadalka laacibkii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimović ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii uu xidiga khadka dhexe reer France ee Paul Pogba la kulmay dhaleeceeno fara badan inta lagu gudi jiray koobka aduunka 2018 iyo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, kadib markii lagu eedeeyay hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa.

Si kastaba Paul Pogba oo dib u helay qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa yaa dhaliyay goolkii saddexaad ee kulankii finalka koobka aduunka 2018 ee dalkaa Russia ay xalay kula ciyaareen xulka qaranka Croatia, kaasoo siiyay kasoonida ciyaarta ay sida ay doonaan ugu maamulan kareyn wiilasha Faransiiska.