11:37 pm - Sunday July 23, 2017

AC Milan Oo Xaqiijisay Inay Dooneyso Alvaro Morata

Abdiwahab Ahmed

Massimiliano Mirabelli oo ah agaasimaha ciyaaraha ee AC Milan ayaa xaqiijiyey inay doonayaan weeraryahanka Alvaro Morata oo Real Madrid ay ku dooneyso in lagaga iibsado lacag badan.

Massimiliano waxa uu sheegay in Real Madrid ay miiska u saarayaan lacagta ay ugu talo-galeen inay ciyaartoygan ku iibsadeen, laakiin kooxda reer Spain ay tahay inay aqbasho dalabka iyo lacagta ay ula tegayaan.

“Milan si dhow ayay ula socotay Morata tan iyo markii uu suuqu furmay” sidaas ayuu yidhi agaasiime Massimiliano, waxaanu intaas raaciyey: “Waxa uu noo sheegay suurtogalnimada sida lagu helayo, inkasta oo ay jiraan waxyaabo adkaaday intii ka dambaysay finalkii Champions League oo kooxo kale ay tartanka soo galeen.”

Massimiliano waxa uu sheegay in dalabyada badan iyo kooxaha badan ee xiisaynaya ciyaartoygan ay arrimaha adkaynayaan, laakiin ay la shir tegayaan waxa qorshahooda iyo waxa ay ku doonayaan.

Morata ayaa lala xidhiidhinayey inuu tegayo waddanka England oo kooxaha Manchester United iyo Chelsea ay doonayeen, hase yeeshee, Man United ayaa uga leexatay Lukaku markii Madrid ay dalbatay in lacag badan lagaga iibsado weeraryahankeedan ku wanaagsan dhalinta goolasha iyo orodka.

AC Milan waxa kale oo ay doonayaan weeraryahanka Andrea Belotti oo ka tirsan Torino oo xili ciyaareedkii dhamaaday dhaliyey 26 gool, si fiicanna ula qabsaday horyaalka uu kasoo baxay ee Serie A.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

10 Ciyaartoy Oo Raadinaya Kooxo Ay Ku Biiraan

Haweenay 101 jir Ah Oo Dunida Rikoodh Cusub U Dhigtay – Orodka Fagaxda 100 ka mitir

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: