Adam Johnson Oo Xabsiga Loo Dhigay Kufsi

Adam Johnson Oo Xabsiga Loo Dhigay Kufsi 1Laacibka baasha uga ciyaara naadiga Sunderland ee Adam Johnson ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu tuhmay inuu kufsi kula kacay gabadh da’deedu yartahay.

Ciyaaryahankan 27 jirka ah ayaa gurigiisa laga soo katiinadeeyey ama ciidanku ka soo qabteen subaxnimadii Isniintii.

Adam Johnson Oo Xabsiga Loo Dhigay Kufsi 2Af hayeen u hadlay ciidamada Booliiska ee xaafada Durham ayaa yidhi: ”Nin 27 jir ah ayaa subaxnimadii Saaka ‘Isniintii’ la soo xidhay kadib markii lagu tuhmay inuu kufsaday innan yar oo da’deedu 15 jir tahay.’

“Wuxuu ku sii jirayaa saldhiga booliiska, waxaanu ka caawinayaa saraakiisha baadhista inay hellaan xogta ay uga baahan yihiin.”

Johnson ayaa ugu soo wareegay Sunderland lacag dhan £10 million oo uu kaga soo dhaqaaqay kooxda Manchester City bishii August 2012-kii, waxaanu u saftay kooxda Sunderland 28 ciyaarood xili ciyaareedkan.
Warbixino kale oo dheeraad ahi inay ka soo baxaan ciidamanka booliska ee fadhiga Durham ayaa la rajaynayaa saacadaha soo socda.Adam Johnson