Alex Oo quud-daraynaya inuu heshiiska u kordhiyo Kooxdiisa Paris Saint-Germain

alexDifaaca reer Brazil ee Alex, ayaa shaaca ka qaaaday inuu danaynayo inuu la sii joogo kooxdiisa Paris Saint-Germain wixii ka dambeeya xagaagan.

31-sano jirkan ayaa heshiiska uu kula joogo kooxda difaacanaysa Ligue 1, waxa uu dhacayaa xagaagan, inkastoo kooxda uu hoggaamiyo tababare Laurent Blanc aanay wali kala caddeyn inay qorsheynayaa inay heshiis cusub ka saxeexdaan xiddigan.

Si kastaba Alex ayaa daboolka ka rogay inuu kalsooni buuxdo ku qabo in kooxdiisa PSG ay heshiis cusub u ogolaan doonto “Anigu waxaan ahay ciyaarayahan u ciyaara PSG, sanadkaanna waxaan kooxdeyda siinayaa wixii ugu wanaagsanaa ee koox la siiyo, waxaana rajeynayaa inaan baaqi ku sii ahaan doono PSG xagaaga dambe.”ayuu yidhi Alex .