Ancelotti Muxuu Ka Yidhi Burburkii Kooxdiisa Iyo Guushii Naadiga Deriska La Ah

Isagoo goob joog u ahaa wacdarihii kooxdiisa ka qabsaday Vicent Caldron, isla markaana isbedel kasta oo uu samayn lahaa ay hor istaagtay faa’iido la’aanta kooxdii uu ku daah furay kulanku, Tababare Ancelotti wuxuu ku calaa-calay in kooxdiisa dhan walba lagaga gacan sareeyey, isla markaana aanu garanayn shaqsi kamid ah xulkiisa oo uu farta ku fiiqi karo kaas oo sameeyey dedaal mudan inuu ku amaano.

Burburka ku dhacay Real Madrid wuxuu amakaag ku riday Carlo Ancelotti oo ciyaarta ka dib hadalkan laga guntay. ‘Wey u qalmeen guusha maxaa yeelay waxay ahaayeen kuwo meel kasta iyo si kasta nooga awood badan: dagaalka wey ku gacan sareeyeen, kubadiina iyagaa ku gacan sareeyey oo guusha haleelay. Waa inaanu isbedel ku samaynaa hanaankayaga horu socodka iyo weerarka afka hore.

‘Wax kasta kaalinta labaad ayaanu ahayn; waxaa naga lumay dhamaan isku xidhkii iyo boosaskii aanu kala joogney, ciyaartaba kumaanu jirin. Kuma jirin ciyaaryahan kaliya oo si fiican u ciyaaray kooxdayda. Waa qaab ciyaareedkii ugu foosha xumaa intii aan xilka tababarenimo u hayay kooxda.’