Ancelotti Oo Kursiga Kaydka Gelinaya Casillas iyo Navas Oo Fursad Helay

Keylor Navas waxa uu Sabtida helayaa fursad qaali ah isaga oo booska ka cidhiidhsan doona kabtanka kooxda Casillas marka ay Real Madrid garoonkeeda Bernabeu ku margeliso Deportivo

casillasGoolhaye Keylor Navas ayaa la sheegay in uu ka mid noqon doono kooxda koowaad ee tababare Ancelotti isla markaana uu booska ka cidhiidhsan doono Iker Casillas Sabtida marka ay Deoportivo la Coruna kula ciyaarayaan Bernabeu Stadium. Tababarkii Khamiistii ay kooxda Real Madrid samaysay ayuu tababare Ancelotti kooxdiisa koowaad ku daray gool-haye Keylor Navas oo u dhashay wadanka Costa Rica, waxaanay taasi muujisay in uu muddo saddex bilood ah kadib uu noqon doono line-up-ka Real Madrid ee horyaalka La Liga ee kulanka Sabtida. Waxa ciyaar sodan oo kale ah oo uu bilaabo ugu dambaysay November 8, ciyaar wakhtigaas dhex martay Rayo Vallecano iyo Real Madrid oo ka dhacday garoonka Bernabeu. Wixii intaa ka dambeeyey waxa uu ku koobnaaday ciyaaraha Copa del Rey iyo laba ciyaarood oo Champions League ah oo uu kooxdiisa u ciyaaray.

Tababare Ancelotti oo doonaya in uu saxo khaladaadkii ay ciyaartooyadiisu sameeyeen kulankii Atletico de Madrid oo uu Casillas sameeyey khaladka goolka hore lagu dhaliyey iyo bandhig ciyaareed liita oo dhamaan kooxda ah, ayaa waxa uu isbeddel ku samayn doonaa dhawr ciyaartoy oo kooxdiisa ah. Waxa ugu horreyn doona goolhaye Casillas oo kayd noqon doona, Carvajal iyo Coentrao oo beddel sugeyaal noqon doona iyadoo ay booskoodana buuxin doonaan Marcelo iyo Arbeloa oo maqnaa ciyaartii hore.

Difaacyahanka reer Portugal ee Coentrao ayaa la sheegay in tababarkii shalay uu dhaawac fudud ku gaadhay isla markaana ay suurtogal tahay in uu garoomada ka maqnaado muddo toban maalmood ah. Illarramendi, Kroos iyo Isco ayaa khadka dhexe lagu bilaabi doonaa ciyaartaas, iyadoo weerarkana aanay waxba iska beddeli doonin.