Andres Iniesta Oo Go’aan Kama Danbeys Ah Ka Gaaray Mustaqbalkii Camp Nou

Ciyaaryahanka Barcelona ayaa isaga dhaqaaqi kara Nou Camp,marka la gaaro xagaaga.

Kabtanka blaugrana ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka Barcelona, kulan xalayto kooxdiisa ay marti qaaday Valencia,isagoo sheegay in go’aan kama danbeeys ah uu ka gaaray mustaqbalkiisa barca.

“Horay ayaan u go’aansaday waxa aan sameeyn lahaa”Iniesta ayaa sidaasi ka sheegay fagaaraha Nou Camp.

“Waxaan mar waliba ka mahadcelinayaa jacaylka taageerayasha,muhiim ayey ii ahayeen 20-kii sano ee la soo dhaafay,taageradooda waxay xasaasi u ahayd in aan marar badan guuleysanay”.

“Marka ay kooxda i weeydiiso fikirkeyga ku aadan mustaqbalkeyga,qof walba ayaa og jawaabta”.

”Waxaan kaliya ku faraxsanahay kulankan oo aan ka guuleysanay Valencia, sababtoo ah La Liga waa koob aad muhiim u ah”.

Isagoo ka hadlayay qasaarihii Champion League Iniesta ayaa yiri”niyad jabka iyo qaladaadka aan sameynay si xun ayey noo dhaaweceen”.

“Waxaan u baahanahay in aan wax ka barano qaladaadkeena”.

“Waa in aan horay u dhaqaaqnaa isla markaana aan ilownaa wixii ka dhacay Rome,qalad ku malahan macalinka waxaan u ciyaarnay sida ugu wanaagsan muhiim ayey ahayd  in aan guuleysano laakiin masuuurta galin”.



Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.