Andres Iniesta: “Real Madrid ayaa ka badan Cristiano Ronaldo”

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona, Andres Iniesta, ayaa aaminsan in aanu  is bedeli doonin hanaan ciyaareedka kooxda Real Madrid inkastoo uu caawa ka maqan yahay Cristiano Ronaldo.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku kulmaya final-ka Copa del Rey ciyaar ka dhici doonta Mestalla caawa waxaana ay Madrid weyn doontaa Ronaldo balse kubbad sameeyaha Barcelona Iniesta ayaa uga digay kooxdiisa in ay fududeysato weerarka Real “Cristiano wuxuu u ahaa ciyaariyahan muhiim ah iyaga, wuxuu u dhaliyaa goolal badan, laakiin uma maleynaayo in maqnaanshaha Ronaldo ay bedeli doonto qaab ciyaareedkii Madrid iyo natiijadii ay heli laheyd , Madrid ayaa ka badan Ronaldo.” ayuu Iniesta u sheegay Sport “Waan isku kalsoonahay,waana garaneynaa halka aan wax weyn ka sameyn karno , markii aan la ciyaareyno kooxaha waa weyn waxaan leenahay fursad fiican oo aan ku badin karno.Barcelona ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeysay.