Arsenal 4-1 Liverpool: Reds oo gabbal baasi u dumay

Kooxda Arsenal ayaa dhulka la dhacday oo si arxan daran uga adkaatay kooxda Liverpool oo marti ugu ahayd garoonka Emirates Stadium ee magaalada London.arsenal 4-0 liverpool cajiib

Goolal afar ah oo saddex kamid ahi qaybtii hore ee ciyaarta dhamaadkiisii is raac ugu dhaceen shabaqa Liverpool ayay Gunners ugu awood sheegteen Reds oo ku dhamaysatay 10 ciyaaryahan.

Hector Bellerin ayaa furay gool dhalinta daqiiqadii 37 aad ee qaybta hore , waxaana labeeyey kubad laag xor ah oo uu si qurux badan u darbeeyey Mesut Ozil oo isla giftinkii kubada goolka koobaad ka dhalatay kaga shubay, Alexis Sanchez ayaa goolka saddexaad ee qaybta hore ku soo Afmeeray , waxaana loo kala dareeray dhinaca qolalka nasashada.arsenal 4-0 liverpool cajiiib 1

Liverpool ayaa soo ceshatay gool , kaas oo ahaa rigoodhe uu shabaqa dhex dhigay Jordan Henderson qaybtii dambe ee ciyaarta , laakiin waxaa loogu bedelay in kaadh kii labaad oo huruud ah casaan garoonka lagaga saaro ciyaaryahan Emre Can, Reds na waxay ku soo hadhaan 10 ciyaaryahan.arsenal 4-0 liverpool cajiiib 2

Olivier Giroud ayaa goolka afraad u raaciyey dhamaadkii ciyaarta kaas oo damaashaadka Arsenal iyo durdurada ciyaartan sii xaladeeyey.arsenal 4-0 liverpool cajiiib 3

Arsenal waxay imika 9 sagaal dhibcood ka saraysaa Liverpool-sha ay karbaashtay, waxaanay kaalinta labaad ku fadhidaa 63 dhibcood , iyadoo laga war dhawri doono ciyaarta City oo ah kooxda ay kaalinteeda kala baxday oo Berri ciyaaraysa, lehna 61 dhibcood.