Arsenal, Atletico Madrid, Marseille iyo Salzburg Oo U Gudbay Semi-finalka tartanka Champions League

Arsenal ayaa iska xaadirisay semi finalka tartanka Europa League kaddib markii ay celcelis ahaan 6-3 kaga dul-tallaabsadeen CSKA Moscow oo ay lugtii labaad ugu tagtay magaalada Moscow.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa Gunners lagaga nixiyey laba gool oo lagaga hor maray, laakiin qaybtii dambe waxa u baxay Danny Welbeck iyo Ramsey oo laba gool kaga badbaadiyey guul-darro iyo inay ka hadhaan tartanka Europa League.

CSKA Moscow oo ay hoggaaminayaan Fedor Chalov iyo Kirill Nababkin ayaa ku dhowaatay inay la barbarrayso goolashii Arsenal ay dhalisay ciyaartii hore, iyagoo isla lumiyey fursado badan, gaar ahaan laag xor ah oo uu Aleksandr Golovin la beegsaday goolka iyo mid kale oo Sergei Ignashevich uu ku ganay oo labadoodaba uu ka badbaadiyey goolhhaye Petr Cech.

Danny Welbeck ayaa daqiiqaddii 75aad iyadoo ciyaartu 2-0 maraysa u dhaliyey Arsenal gool ka furfuray culays saarnaa, waxaana daqiiqaddii 92aad ee dhamaadka ciyaarta goolka barbar dhaca u raaciyey Aaron Ramsey.

 

Arsenal ayaa ku biirtay kooxaha Marseille, Atletico Madrid iyo Salzburg oo usoo gudbay semi finalka, waxaana ay sugayaan isku aadka oo duhurnimada Jimcaha la samayn doono.



Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.