Atletico Oo Ka Ilheshay Real Iyo Wacdarihii Vicent Caldron

Real Madrid ayaa lagu kala jaray garoonka Atletico Madrid ee Estadio Vicente Calderon iyadoo ay ka dhex muuqdaan xidigeheeda Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale kadib markii kooxda Diego Simone karbaash kale la dhacday kagana adkaatay 4-0.

Waa markii ugu horeysay mudo 64 sanadood ah ee Real saddex guul darro oo is xiga kala soo guryo noqoto garoonka naadiga jaarkeeda ah laakiin tani wey ka duwanayd – waa kooxda ugu qanisan dunida oo qaab ciyaareed ahaan boqolkiiba boqol la baaba’saday lagana gacan sareeyey oo ay bilow ilaa dhamaad bandhig sameyneysay kooxda Atletico.

Ciyaaryahanka Real ku kacay £250m oo afka hore meehanaabaya Bale, Ronaldo iyo Karim Benzema oo la waayay isla markaana aan markaliya loo qorin hal kubad oo ay khatar ku galinayaan difaaca iyo goolwadaha kooxda Atletico Madrid qaybtii hore halka xidigaha Atletico laba daran doori ah ay u kala dhaliyeen Tiago iyo Saul.

Qaybtii dambena masaxaadii halkeedii ka sii socotay, laba kalana ay u raaciyeen Antoine Griezmann oo cid xidha la waayay iyo Mario Mandzukic.

Atletico ayaa hada boos la fadhida Barcelona oo hal ciyaari u dhiman tahay, Haddii Barca badisana , Real Madrid dhibic kaliya ayay ku hayn doontaa hogaanka Horyaalka Spain.