Aurturo Vidal Oo Dhaawac Ku Seegi Kara Kulanka Koowaad Ee Real Madrid Ay Champions League La Ciyaari Doonaan

Tababaraha kooxda kubada cagta ee Bayern Munich Jupp Heynckes ayaa sheegay in Aurturo Vidal uu qaliin dhanka jilibka ah mari doono ka hor lugta labaad afar Champions League ay la balansanyihiin kooxda RealMadrid.

Ciyaaryahanka xulka Chile ayaa tababarka kooxdiisa dhaawac looha saaray,kadib dhaawac jilibka ka soo gaaray xidigii hore ee Juventus.

“Waxaa soo gaaray dhaawac dhanka jilibka ah lama garan karo heerka dhaawaciisa”tababaraha Bayern Munich ayaa sidaasi saxaafada u sheegay.

“Waxa aan ognahay waa in Vidal uu yahay dagaalyahan,waan ku kalsoonahay soo kabashadiisa”.

Frank Ribery iyo macalinka goolhayayaasha Bayern Munich ayaa Vidal garbiyay kadib markii uu dhaawac jilibka ka soo gaaray, isla markaana uu awoodi waayay in uu lugihiisa uga baxo garoonka tababarka.

25-ka April Bayern Munich ayaa Alianz Arena ku soo dhaweyn doonta kooxda difaacaneysa Champions League,lugta koowaad ee ciyaaraha Semi Final-ka tartanka horyaalada yurub,waxayna u muuqataa in xidiga Chile khadka dhexe uga ciyaara uu seegi doono kulankaasi.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.