Barca Ma Ka Badbaadi Doontaa Guuldarrada Caanka Noqotay Ee Garoonka Bilbao?

Xusuus fiican kuma laha garoonka Athletico Bilbao kooxda Barcelona, waxaana ugu dambaysay in ay ku guuleysato sannadkii 2010-2011, wakhtigaas oo uu macallin u ahaa Barca tababare Pep Guardiola.

Garoonka San Mames Barca kuma ay guuleysan saddex sannadood, sannadkii u horreeyey ee Tito uu Barcelona macallinka ka ahaa waxa ay ciyaartii lagu qabtay garoonka Athletico Bilbao ku dhamaaay barbar dhac 2-2, iyadoo uu goolka barbar dhaca u dhaliyey Athletico laacibka Ander Herrera ee hadda u ciyaara Manchester United, waxana goolasha kale ee garoonka laga dhaliyey maalintaas saxeexay Susaeta, Alexis Sanchez iyo Messi.

Xili ciyaareedkii hore, booqashadii Barca ee garoonka San Mames waxa uu ku dhamaaday 1-0 lagu garaacay kooxda reer Catalonia, waxaanay kooxda uu watay Tata Martino awoodi kari waayeen in ay ka daba yimaaddaan gool uu daqiiqaddii 70aad ka dhaliyey Muniain. Guushaasi waxay farxad u ahayd taageereyaasha Bilbao oo guul darro qadhaadh kala kulmay Champions League.

Athletic iyo Barça waxa ay La liga wada ciyaareen 83 jeer , 42 kulan waxa badisay Bilbao, 22 kulana waxa badisay Barcelona halka 19 ciyaaroodna ay barbar dhac galeen.